Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

 In Local Somali News

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 4:00 PM CST NOVEMBER 4,2020

Warbixintii ugu dambeysey ee COVID-19 ee Gobolka MN: Kiisaska maalinlaha ee cudurka COVID-19 ayaa maalintii labaad kor u kac weyn sameyey. Maanta oo arbaca ah 11/4/20 waxa laga helay cudurka Covid-19 3,844. Waa maalintii labaad oo cudurku uu said ugu faafayo bulshada degan gobolka Minnesota. Waaxda caafimadka ee Gobolka Minnesota ayaa sheegtey manta oo Arbaco ah ay u dhinteen 31 qof cudurka COVID-19.

Maanta waxay waaxda caafimadka ee Gobolka Minnesota sheegtey in laga helay cudurka COVID-19 3844 oo cusub, number cusub ee manta waaxdu sheegtey wuxuu ka badanyahay intii shalay laga helay cudurka oo aheyd 3483. Isku darka 7 beri u dambeysey 4 ka mid ah maalmahas dadka laga helay cudurka COVID-19 waxay ahayen 3000 oo qof. Waaxda Caafimaadku waxay kaloo shegtey in baaritanka cudurka ay ka qaadey dad dhan 32,775 shalay. Sidii uu cudurka COVID-19 u bilowdey Gobolka Minnesota waxaa laga helay 160,923.

Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Minnesota ayaa manta oo Arbaca ah 11/4/20 sheegtey 31 iney u dhinteen cudurka COVID-19. Dhimashadu waxay u dhaxeysay da’ahaan 35-99 sano. Toddobo ka mid ah 31-ka dhimashadu waxay ku deganayen magaalooyinka mataanaha ah Minneapolis, St.Paul. halka inta kalena ay ku sugnaayeen gobolka Minnesota banaankiisa. Sagaal iyo toban ka mid ah dadka dhintay

waxay deganaayeen meelaha lagu hayo dadka waayelada. Isku darka guud ahaan 2,530 qof oo ku nool Minnesota ayaa u dhintey COVID-19.

Dadka la geeyey isbitaalada ayaa sii kordhay sidey waaxda caafimnadka ee gobolka Minnesota sheegtey manta oo ah Arbaco ah. Hadda waxaa isbitaalada ku jira 908 qof oo la ku dhacay cudurka COVId-19, awal waxaa horey ugu jirey isbitaalada 852 qof oo ahaa bukaano qaba cudurka COVID-19. Waxaa kale oo waaxdu sheegtey iney sii kordheen bukanada ku jirta qeybta daryeelka caafimadka ee deg dega (ICU) oo hada ku jiraa 203.

Wakiilka caafimaadka ee Gobolka Minnesota Jan Malcolm ayaa u sheegay wariyeyaasha maanta in ay bulshada dagan Minnesota suurtagaltahay in maalmaha soo socda dadk laga helo cudurka COVID-19 ay gaari doonan maalin walba 4000 qof, taasoy ku tilmaantey dhibaato weyn oo laga bahanyahay qof walba oo dagan gobolka Minnesota inuu is ilaaliyo kana taxadaro faafiska cudur COVID-19.

Recent Posts

Leave a Comment

Several New York zip codes are reporting infection rates five times higher than statewide rate