Wararkii u dambeyey COVID19 11/10/2020
Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz ayaa shir jaraaid uu qabtey manta ku sheegay in wixii ka dambeye 10 pm Habeenimo la xiri doono meelaha laga cunteeyo,sida maqaayadah, iyo bararka lagu caweeyo, si loo xakamayo faafida xooga leh ee cudurka COVID-19.
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST NOVEMBER 10,2020
Laga bilaabo maalinta Jimcaha, baararka iyo makhaayadaha ku yaal Gobolka Minnesota waxay arki doonaan xannibaadyo cusub maaddaama gobolku ku soo batay faafitaankii cudurka COVID-19.
Isbeddelada waxaa ka mid ah in la soo xirayo meelahda dadku iskugu yimaaden ama ku caweeyen habeenada oo laga bilaabo 10-ka hebeenimo ee jimcaha inan isku meel la isgu imaankarinin
Intaas waxaa sii dheer, gudoomiyaha gobolku wuxuu sheegay iney qorsheynayaa in la yareeyo dadka ka soo qeybgalaya aroosyada oo hada 50 qof, laga dhigo 27 qof ilaa iyo inta laga gaarayo December 11keeda.