Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -11/17/20

 In Local Somali News

Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Minnesota ayaa sheegtey manta oo Talaado  ah 11/17/20 in laga helay cudurka koronafayriska dad gaaraye 5945 qof oo cusub.  Waaxda caafimadku waxay sheegtey 26 dhimasho cusub oo la soo sheegay manta isniin ah, taas oo ka dhigaysa tirada dhimashada ee gobolka Minnesota 2917.

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST NOVEMBER 17,2020

Waaxda Caafimaadka ayaa Talaado ah 11/17/20 ayaa sheegtey 5945 kiis oo cusub oo la xaqiijiyay ama laga Helay  cudurka Koronofayriska, tiro kale oo sareysa ka dib markii la diiwaan geliyay laba maalmood oo ka badan dhamaadka usbuuca in ka badan 16,000 qafood oo cusub. Waaxda Caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtey iney lix iyo labaatan  qof  oo dhimasho. Tani waxay kor u qaadday tirada dhimashada ee Gobolka Minnesota 2,943.

Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz iyo saraakiisha caafimaadka ayaa bulshada dagan gobalka Minnesota ka codsaday inaysan isugu imaanin fasax Thanksgiving-ka banaanka gurigooda wuxuuna weydiisanayaan ardayda kuleejka inay dib uga fiirsadaan tagida guriga waalidkood. Wuxuu kaloo Gudoomiyhu sheegay inet dhicin doonto in la joojiyo ciyaaraha isboortiga dugsiga sare hadii u sii socdo faafida cudurka koronafayriska.

Wakiilkii hore ee Xisbiga Jamhuuriga Nick Zerwas ayaa sheegay inuu markii hore u maleynayay inuu hargab qabo wiilkiisa ukeeney, ilaa uu bilaabay neefsashada oo dhib ku ah isla markaana uu si dhib yar u taagnaado ka dib wuxuu ka soo dhacdey jaranjarada.

Sarah Winston, oo ah hooyo  leh gabar 17 sano jir ah ayaa sheegtay in gabadheeda ay ku dhacay koronafayriska kadibna la dhigey qeybt caafimaadka deg deg ICU. Hooyadan ayaa dadka ku boorrisay inay guryahooda la joogaan haddii ay xanuun dareemayaan.

Dr. Jon Cole oo ka socda Hennepin Healthcare ayaa sheegay in uu baajiyay qorshihii safarka maadaama uu ku dhacay cudurka koronafayriska  isaga iyo xaaskiisa waxayna ku faafinayaan carruurtooda. Cole wuxuu xanuunka ku tilmaamay inuu yahay “waayo-aragnimo xun.” Wuxuu yiri waxaan u maleynayaa inuu ka caawiyey dad badan gurigiisa oo uusan safrin wuxuu yeelan doonaa COVID-19 marka loo eego sida uu hadda u haysto mudnaanta uu ku shaqeynayo dhakhtar ahaan.

Sidoo kale waxaa shirka jaraaid ka hadashey  Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Minnesota Peggy Flanagan ayaa sheegtay in walaalkeed uu qabo cudurka kansarkauu dhintey markii uu ku dhacay COVID-19.

Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz Wuxuu mar labaad ka codsaday bulshada dagan Gobolka Minnesota inay xirtaan sanka, afka, ay ku kala fogadaan meelaha dadku isugu yimaado, inay guriga joogaan haddii aadan caafimaad qabin. Waa waqtigii la is dhagaysan lahaa buu yiri Gudoomiyuhu si looga baxo dhibka aan hada ku jirno.

Gudoomiyaha Gobolka Minnesota wuxuu cadeeyay in inkasta oo ayna xidhnayn gebi ahaanba nolosha dhaqaalaha iyo nolosha bulshada ee gobolka, haddana xayiraad dheeraad ah ayaa laga yaabaa inay soo socoto. “Waxaan u maleynayaa in isbeddelo badan ay u badan tahay inay dhacaan.

Recent Posts

Leave a Comment