Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -11/19/20

 In Local Somali News

Waaxda Caafimaadka Minnesota ayaa soo sheegtey 72 dhimasho ah oou dhintey cudurka Korona fayraska manta oo khamiis ah 11/19/20. Tani waa maalintii ugu horeysey siduu cudurka koronafayrisku u bilodey oo ay hal maalin u dhinteen 72 qof.

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST NOVEMBER 19,2020

 

Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Minnesota ayaa sheegtey manta oo khamiis  ah 11/19/20 in laga helay cudurka koronafayriska dad gaaraye 7877 qof oo cusub.  Waaxda caafimadku waxay sheegtey 72 dhimasho cusub oo la soo sheegay manta khamiis ah, taas oo ka dhigaysa tirada dhimashada ee gobolka Minnesota 3082.

Dhimashada dadka u dhinta cudurka koronfayriska ayaa aheed  doraad 67,  Ilaa hadda, 3,082 qof oo ku nool Minnesota ayaa u dhintey COVID-19, sida ay sheegtey Waaxda Caafimaadka ee Minnesota. Dhimashooyinkaas, 289 ka mid ah ayaa dhacay usbuucii la soo dhaafay oo keliya.

In ka badan 900 oo shaqaale ah oo ka shaqeeya Mayo Clinic Health System oo ku taal Rochester Minnesota  ayaa laga helay Koronfayriska labadii toddobaad ee ugu dambeeyey iyada oo fayrasku ku sii siqayo gobolka oo dhan.

Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz iyo saraakiisha caafimaadka ayaa bulshada dagan gobalka Minnesota ka codsaday inaysan isugu imaanin fasax Thanksgiving-ka banaanka gurigooda wuxuuna weydiisanayaan ardayda kuleejka inay dib uga fiirsadaan tagida guriga waalidkood. Wuxuu kaloo Gudoomiyhu sheegay inet dhicin doonto in la joojiyo ciyaaraha isboortiga dugsiga sare hadii u sii socdo faafida cudurka koronafayriska.

Dr. Jon Cole oo ka socda Hennepin Healthcare ayaa sheegay in uu baajiyay qorshihii safarka maadaama uu ku dhacay cudurka koronafayriska  isaga iyo xaaskiisa waxayna ku faafinayaan carruurtooda. Cole wuxuu xanuunka ku tilmaamay inuu yahay “waayo-aragnimo xun.” Wuxuu yiri waxaan u maleynayaa inuu ka caawiyey dad badan gurigiisa oo uusan safrin wuxuu yeelan doonaa COVID-19 marka loo eego sida uu hadda u haysto mudnaanta uu ku shaqeynayo dhakhtar ahaan.

Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz Wuxuu mar labaad ka codsaday bulshada dagan Gobolka Minnesota inay xirtaan sanka, afka, ay ku kala fogadaan meelaha dadku isugu yimaado, inay guriga joogaan haddii aadan caafimaad qabin. Waa waqtigii la is dhagaysan lahaa buu yiri Gudoomiyuhu si looga baxo dhibka aan hada ku jirno.

Gudoomiyaha Gobolka Minnesota wuxuu cadeeyay in inkasta oo ayna xidhnayn gebi ahaanba nolosha dhaqaalaha iyo nolosha bulshada ee gobolka, haddana xayiraad dheeraad ah ayaa laga yaabaa inay soo socoto. “Waxaan u maleynayaa in isbeddelo badan ay u badan tahay inay dhacaan.

 

Recent Posts

Leave a Comment