Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -11/23/20

 In Local Somali News

Waaxda Caafimaadka Minnesota ayaa soo sheegtey 24 dhimasho ah oou dhintey cudurka Korona fayraska manta oo Isniin ah 11/23/20. Dadka laga helay cudurka manta oo Isniin ahna waa 6353 qof oo cusub

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST NOVEMBER 23,2020

Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Minnesota ayaa sheegtey manta oo Isniin ah 11/23/20 in laga helay cudurka koronafayriska dad gaaraye 6353 qof oo cusub.  Waaxda caafimadku waxay sheegtey 24 dhimasho cusub oo la soo sheegay manta Isniin ah, taas oo ka dhigaysa tirada dhimashada ee gobolka Minnesota 3265.

Xogta caafimaadka ee gobolka waxay muujineysaa cadaadiska sii socda ee isbitaalada qaabka qaabbilaada cusub ee bukaanada qaba COVID-19. Tirada reer Minnesota ee cusbitaalada cusub la seexiyay ayaa ka badneyd in ka badan 200 maalin kasta laga bilaabo Nofeembar 8 illaa ugu yaraan Nov. 19

Isniintii, Ururka Isbitaalka Minnesota iyo Ururka Caafimaadka ee Minnesota waxay ku biireen ururada bixiyeya caymiska caafimaadka ee gobolka olole cusub oo cinwaankiisu yahay ladagalanka koronfayriska Minnesota FightCOVIDMN.

Midowga Ururka isbitaalada Mamulohooda Dr. Rahul Koranne wuxuu ku booriyay reer Minnesota inay u hogaansamaan amarka degdega ah ee soconaya afar todobaad ee ka socda Minnesota kaasoo ah in la xiro baararka, maqaayadaha iyo naadiyada jimicsiga isla markaana la xaddido kulamada bulshada ee xubnaha qoyska oo kaliya Maaskarada oo la xidho iyo kala fogeynta bulshada ayaa sidoo kale hoos u dhigi doonta faafitaanka fayraska, ayuu yidhi, kaas oo gacan ka geysan doona ilaalinta shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee looga baahan yahay in lagu daweeyo bukaannada COVID-19.

Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz Wuxuu mar labaad ka codsaday bulshada dagan Gobolka Minnesota inay xirtaan sanka, afka, ay ku kala fogadaan meelaha dadku isugu yimaado, inay guriga joogaan haddii aadan caafimaad qabin. Waa waqtigii la is dhagaysan lahaa buu yiri Gudoomiyuhu si looga baxo dhibka aan hada ku jirno.

Gudoomiyaha Gobolka Minnesota wuxuu cadeeyay in inkasta oo ayna xidhnayn gebi ahaanba nolosha dhaqaalaha iyo nolosha bulshada ee gobolka, haddana xayiraad dheeraad ah ayaa laga yaabaa inay soo socoto. “Waxaan u maleynayaa in isbeddelo badan ay u badan tahay inay dhacaan.

Recent Posts

Leave a Comment