Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -11/24/20

 In Local Somali News

kiisaska maalinlaha ah ee Koronafayrisk ayaa Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ay ka warbixisay in laga helay cudurka dad garaya 6,423 maanta oo ah 11/24/2020 Talaadado, sidoo kale waxaa u dhintey cudurka koronfayriska  38 qof.

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST NOVEMBER 24,2020

 

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtey isku celceliska dadka laga helay cudurka Koronafayriska  iney ahaayen 6,567 infekshan oo cusub maalintiiba muddada toddobada maalmood ah ee ku eg Talaadada, marka la barbardhigo celcelis ahaan 7,052 muddada toddobada maalmood ah ee ku ekaa Nov. 20

Agaasimaha cudurada faafa ee gobolka Kris Ehresmann ayaa sheegtay inay ku faraxsanlaheyd inuu hoos u dhac ku yimaado dhimashada Koronafayriska iyo infekshannada, laakiin Minnesota ay wajihi karto koror dheeraad ah, gaar ahaan gudbinta fayraska ee usbuuca fasaxa ee Thanksgiving.

In kabadan 100kiiba 80% dhimashooyinka cudurka koronafayriska ayaa ahaa dad ka weyn da’ ahaan 70 ama ka weyn. Lambarada Talaadada waxay ka tarjumayeen isbeddelkaas, laakiin waxaa ku jiray hal dhimasho COVID-19 oo ah qof ku nool Degmada Dakota ee da’da 35-39. Sidoo Kale waaxda caafimadaka Gobolka Minnesota ayaa soo sheegey iney jiraan 30 dhimasho  cudurka COVID-19 oo ka yaraa  dadka 39 iyo kuwa ka yar

Bukaanada ku jira isbitaalada ee qaba cudurka Koranfayrsika ee Minnesota waa 1,828 379 u baahan daryeel degdeg ah.

Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz Wuxuu mar labaad ka codsaday bulshada dagan Gobolka Minnesota inay xirtaan sanka, afka, ay ku kala fogadaan meelaha dadku isugu yimaado, inay guriga joogaan haddii aadan caafimaad qabin. Waa waqtigii la is dhagaysan lahaa buu yiri Gudoomiyuhu si looga baxo dhibka aan hada ku jirno.

Gudoomiyaha Gobolka Minnesota wuxuu cadeeyay in inkasta oo ayna xidhnayn gebi ahaanba nolosha dhaqaalaha iyo nolosha bulshada ee gobolka, haddana xayiraad dheeraad ah ayaa laga yaabaa inay soo socoto. “Waxaan u maleynayaa in isbeddelo badan ay u badan tahay inay dhacaan.

 

Recent Posts

Leave a Comment