Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -11/25/20
kiisaska maalinlaha ah ee Koronafayrisk ayaa Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ay ka warbixisay in laga helay cudurka Koronafayriska dad garaya 6399 oo cusub maanta oo ah 11/25/2020 Arbaca, sidoo kale waxaad Caafimadka ayaa shegtey iney u dhintey cudurka koronfayriska 72 qof.
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST NOVEMBER 25,2020
Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtey siduu u bilowday cudurka Koronafayriska in laga helay dad gaaraya 289303, iyadoo hada ay gaareyso dhimashada dadka u dhintey cudurka koronafayriska siduu u bilowdey iney dhan tahay 3375 qof.
Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz ayaa wax laga waydiiyay dhimashada cusub ee 72 maalin kaliya ka dib markii Wisconsin ay sheegtay in ka badan 100 dhimasho maalin kaliya.Gudoomiyahu wuxuu yiri Qalbigaygu wuu I xanuunaya inaan sidan dhaho, waxaan ku dhowaad 10 ama 14 maalmood ka dambeynaa Gobolka Wisconsin. Waxay lahaayeen 104 qof ayaa maanta dhintay. Marka waad bilaabi kartaa inaad sameyso xisaabta iney noqoto Gobolka Minnesota.
Warbixintii ugu dambaysay ee Aqalka Cad ee loo yaqaan ‘Coronavirus Task Force report’ ayaa ku qoray gobolka Minnesota u uku jiro kaalinta afraad ee ugu sarraysa ee kiisaska cusub ee COVID-19 ee Maraykanka, iyagoo gobol ahaan ka dambeeya Dakotas iyo Wyoming, oo loo kala saaray 81 ka mid ah 87 degmo inay yihiin “aagag cas” sababo la xiriira heerka cudurka.
Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz Wuxuu mar labaad ka codsaday bulshada dagan Gobolka Minnesota inay xirtaan sanka, afka, ay ku kala fogadaan meelaha dadku isugu yimaado, inay guriga joogaan haddii aadan caafimaad qabin. Waa waqtigii la is dhagaysan lahaa buu yiri Gudoomiyuhu si looga baxo dhibka aan hada ku jirno.
Gudoomiyaha Gobolka Minnesota wuxuu cadeeyay in inkasta oo ayna xidhnayn gebi ahaanba nolosha dhaqaalaha iyo nolosha bulshada ee gobolka, haddana xayiraad dheeraad ah ayaa laga yaabaa inay soo socoto. “Waxaan u maleynayaa in isbeddelo badan ay u badan tahay inay dhacaan.