Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -11/27/20

 In Local Somali News

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtey manta oo ah Jimco 11/27/2020 ay u dhinteen cudurka koronfayraska 101 qof oo cusub. Dhimashada manta la soo shegey waxay noqoneysaa tii ugu badneyd ee dhacda hal maalin.

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST NOVEMBER 27,2020

Tiradii ugu dambeysay, Minnesota hadda waxaay dhantahay 3,476 dhimasho tan iyo markii masiibada cudurka koronafayriska gobolka Minnesota ka bilaabatey bishii Maarso. Dhimashooyinka la soo sheegay Jimcaha waxaa ka mid ah dadka degan 39 ka mid ah 87-da gobol ee gobolka, sida laga soo xigtay xogta Waaxda Caafimaadka.

Tani waa waa wax laga naxo oo murugo leh, laakiin maahan wax lala yaabo, ”ayey  tiri Jan Malcolm, Wakiilka Caafimaadka ee gobolka, warbixinta ay so saartay. “Muddo toddobaadyo ah ayaan ka dhawaajinaynay qaylo-dhaanta ku saabsan koritaanka baaxadda leh ee kiisaska COVID-19. Waxaan ognahay in kiisas badan ay keeneen isbitaal dhigis badan iyo dhimasho, warka maantana wuxuu xoojinayaa qaabkaas naxdinta leh.

Tirooyinka la sii daayay Jimcihii waxay muujinayaan shaqaalaha daryeelka caafimaadka eek u dhacay cudurka koronfayriska inay gaarayan 21,846. Ku dhowaad 245,000 oo qof oo uu ku dhacay cudurku mar dambe uma baahna in la go’doomiyo.

Waaxda Caafimaadka ayaa sheegtay in xogteeda la sii deynayo Sabtida ay ku jiri doonaan tirooyin laba maalmood soconaya oo ahaa maalmihii fasax lagu jirey – tirooyinka sida caadiga ah la sii deyn lahaa subaxnimada Jimcaha oo lagu daray sii deynta xogta caadiga ah ee Sabtida.

Gudoomiyaha Gobolka Minnesota wuxuu cadeeyay in inkasta oo ayna xidhnayn gebi ahaanba nolosha dhaqaalaha iyo nolosha bulshada ee gobolka, haddana xayiraad dheeraad ah ayaa laga yaabaa inay soo socoto. “Waxaan u maleynayaa in isbeddelo badan ay u badan tahay inay dhacaan.

Recent Posts

Leave a Comment