Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -12/7/20

 In Local Somali News

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtey manta oo ah Isniin 12/07/2020 ay u dhinteen cudurka koronfayraska 21 qof oo cusub. Dhimashada manta la soo shegey waxay noqoneysaa iney dhimashadu cudurka koronfayriska siduu u bilowday ilaa hada ay kor u dhaaftey 4000 qof.

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST DECEMBER 07,2020

Waaxda caafimadka Gobolka Minnesota ayaa Isniintii sheegtey 5,135 kiis oo cusub oo la xaqiijiyay ama laga yaabo in cudurkan, taasoo wadarta guud ee Minnesota ka dhigaysa 356,152 ilaa iyo inta cudurka ka bilowdey. Qiyaastii boqolkiiba 88 dadka kiisaska cudurka koronafayriska laga helay waa ay ka bogsadeen

Dhimashadii la soo sheegay Isniintii waxay kor u qaadday tirinta Minnesota ilaa 4,005. Dadka  dhintay, qiyaastii boqolkiiba 66 waxay ku noolaayeen meelaha daryeel muddo dheer ah ama tas-hiilaad nololeed oo la caawiyo; badankood waxay lahaayeen dhibaatooyin caafimaad oo salka ku haya xanuuno kale.

Dadka Isbitaallada  la dhigey ayaa sii batay waxaana hada isbitaalada la seexiyay  inkabadan 1,500 oo qof ay wali kujiraan isbitaalka oo ay dhacay Koronafayriska, in kabadan 350 ay ubaahanyihiin caafimaad daryeel deg deg ah (ICU).

Waaxda caafimaadka ee Gobolka Minnesota waxay dadka ku dhiirrigeliyeen inay sii wadaan daboolida sanka iyo afka, kala fogaanshaha bulshada dhexdeeda, inay guriga joogaan marka ay jiran yihiin kana fogaadaan isu imaatinnada waaweyn si loo yareeyo fursadda faafitaanka fayraska Koronafayriska.

Recent Posts

Leave a Comment