Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -12/9/20

 In Local Somali News

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtey manta oo ah Arbaco 12/09/2020 in ay u dhinteen cudurka koronfayraska 82 qof oo cusub.

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST DECEMBER 09,2020

Waaxda caafimadka Gobolka Minnesota ayaa manta o ah Arbaco sheegtey in laga helay cudurka koronafayriska 4589 oo qof cusub. Sidoo kale dhimashada dadka u dhintey cudurka koronafayriska ataa aheed 82 qof. Waxa sidoo kale said usii kordhey dadka isbitaalada loo jiifiyey cudurka koronafayriska.

Faafida cudurka Koronafayriska ayaa wuxuu dilay 4,109 qof oo dagan gobolka Minnesota. Laga soo bilaabo fasaxii Thanksgiving, waxaa jiray 734 dhimasho, oo marka loo fiiriyo isku celceliska maalin laha ah waxaa jirtey 54 dhimasho cusub.

Dhimashada badankood waxay ka yimaadeen meelaha lagu hayo dadka waayeelada ah kuwaas oo u dhigma 100%kiiba 66% dhimashada gobolka. Kow iyo konton ka mid ah dhimashooyinka la soo sheegay manta oo ah  Arbaco waxay ahaayeen dadka deggan guryaha lagu xanaaneeyo dadka waayelada ah.

Gobolka Minnesota wuxuu isku diyaarineysaa helida shixnadihii ugu horreeyay ee tallaalka Koronafayriska, iyadoo la filayo in gobolku heli doono 183,400 talaal  qiyaastii dhammaadka sanadka.

 

 

Mudnaanta koobaad waxaa la siin doonaa shaqaalaha daryeelka caafimaadka safka hore ku jira iyo dadka deggan guryaha waayelada lagu xannaaneeyo.

Ujeeddadu ugu muhiimsan  waa in la ilaaliyo dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo xirfadlayaasha kale ee daryeelka caafimaadka ee ka shaqeeya qaybaha daryeelka degdegga ah, kuwa ka shaqeyey  cafimadka degdegga ah iyo goobaha kale ee ay xiriir toos ah la yeeshaan kuwa uu buko fayraska cusub ee coronavirus.

Dowladda federaalka, oo gacanta ku haysa sida tallaalka loogu qaybinayo gobollada, ayaa u sheegtay Waaxda caafimadka Minnesota in shixnadda ugu horreysa ay ka koobnaan doonto 46,800 qiyaasood oo ah tallaalka Pfizer, oo la filayo inuu helo oggolaanshaha sharciyeynta federaalka Khamiista.Waaxda caafimaadka ee Gobolka Minnesota waxay dadka ku dhiirrigeliyeen inay sii wadaan daboolida sanka iyo afka, kala fogaanshaha bulshada dhexdeeda, inay guriga joogaan marka ay jiran yihiin kana fogaadaan isu imaatinnada waaweyn si loo yareeyo fursadda faafitaanka fayraska Koronafayriska.

Recent Posts

Leave a Comment