Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -12/10/20

 In Local Somali News

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtey manta oo ah Khamiis 12/10/2020 in ay u dhinteen cudurka koronfayraska 89 qof oo cusub. Waxaa sidoo kale laga helay cudurka koronafayriska dad gaaraya 3523 qof oo cusub.

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST DECEMBER 10,2020

Waaxda caafimadka Gobolka Minnesota ayaa manta o ah Khamiis sheegtey in laga helay cudurka koronafayriska 3523 oo qof cusub. Sidoo kale dhimashada dadka u dhintey cudurka koronafayriska ataa aheed 89 qof. Waxa sidoo kale said usii kordhey dadka isbitaalada loo jiifiyey cudurka koronafayriska.

In kasta oo dhimashada koronavirus ay aad u  saameyso dadla ka weyn da’da 60, laakinse toddobo ka mid ah dadka dhimashadooda la soo sheegay Khamiista waxay ka hooseeyeen 60, waxana  ku jiraay laba qof oo 20 sano jirey. 56 ka mid dadka manta dhintey waxay ahaayen dadku noola guryaha lagu hayo dadka waayeelada.

Tan iyo markii u cudurkan lagu arkay gobolka Minnesota  bishii Maarso, 4,198 oo dadka deegaanka ah ayaa dhintey halka 367,218 laga helay cudurka, sida ay sheegtay Waaxda Caafimaadka ee Minnesota.

HealthPartners ayaa Khamiistii sheegay in 96% sariiraha ICU ee isbitaaladeeda, oo ay ku jiraan dad badan oo qaba cudurka koronfayreyska isbitalada ku yaalo magaalada St. Paul iyo Methodist ee St. Louis Park.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka gobolka Minnesota  MDH Dr. Ruth Lynfield ayaa ku soo biirtay wicitaankii Khamiista si ay ula wadaagto macluumaadka ku saabsan saameynta caafimaad ee muddada-dheer ee coronavirus. Dad badan oo qaba COVID-19 ma laha astaamo, “ayay tiri.” Sidaas darteedna qaarna ma oga inay qabaan illaa ay iska baaraan. Tan waxaa lagu qiyaasayaa in qiyaastii 50% gudbinta ay ku dhici karto dadka horay u ah astaamo ama astaamo la’aan

Gobolka Minnesota wuxuu isku diyaarineysaa helida shixnadihii ugu horreeyay ee tallaalka Koronafayriska, iyadoo la filayo in gobolku heli doono 183,400 talaal  qiyaastii dhammaadka sanadka.

Mudnaanta koobaad waxaa la siin doonaa shaqaalaha daryeelka caafimaadka safka hore ku jira iyo dadka deggan guryaha waayelada lagu xannaaneeyo.

Ujeeddadu ugu muhiimsan  waa in la ilaaliyo dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo xirfadlayaasha kale ee daryeelka caafimaadka ee ka shaqeeya qaybaha daryeelka degdegga ah, kuwa ka shaqeyey  cafimadka degdegga ah iyo goobaha kale ee ay xiriir toos ah la yeeshaan kuwa uu buko fayraska cusub ee coronavirus.

Dowladda federaalka, oo gacanta ku haysa sida tallaalka loogu qaybinayo gobollada, ayaa u sheegtay Waaxda caafimadka Minnesota in shixnadda ugu horreysa ay ka koobnaan doonto 46,800 qiyaasood oo ah tallaalka Pfizer, oo la filayo inuu helo oggolaanshaha sharciyeynta federaalka Khamiista.Waaxda caafimaadka ee Gobolka Minnesota waxay dadka ku dhiirrigeliyeen inay sii wadaan daboolida sanka iyo afka, kala fogaanshaha bulshada dhexdeeda, inay guriga joogaan marka ay jiran yihiin kana fogaadaan isu imaatinnada waaweyn si loo yareeyo fursadda faafitaanka fayraska Koronafayriska.

Recent Posts

Leave a Comment