Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -12/11/20
Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtey manta oo ah Jimco ah 12/11/2020 in ay u dhinteen cudurka koronfayraska 94 qof oo cusub. Waxayna aheed marka loo fiirsho dhimashad maalinlaha ah maalintii labaad ee ugu badneed oo intaas qof ay dhintaan. Waxaa sidoo kale laga helay cudurka koronafayriska dad gaaraya 3773 qof oo cusub.
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST DECEMBER 11,2020
Dhimashada 94 qof ee manta oo Jimciha ah la soo shegay ayaa ah tiradii labaad ee ugu badneyd tan iyo markii uu cudurku ka bilowdey gobolka Minnesota. Sido Kaliya Nov. 27 ay aheyd maalintii diiwaan geliyey dhimashada 101. Wadarta tirada dadka ku dhintey Minnesota cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’ ayaa hadda fadhiya 4,292. Dhimashooyinkaas 2,819, ama 66% ka mid ah waxay la xiriiraan dad waayeelada ah oo ku jirey oo lagu xaneeneyo.
Tirada dadka u buka cudurka koronafayriska isbitaalada ee gobolka Minnesota oo dhan ayaa hoos u dhacay. Xilligan, 1,416 sariirood oo gobolka Minnesota oo dhan ah ayaa loo isticmaalaa in lagu daaweeyo bukaannada Koronavirus, iyadoo 343 ka mid ah sariirahaas ay ku jiraan qeybta daryeelka deg deg ah (ICU).
Tan iyo markii u cudurkan lagu arkay gobolka Minnesota bishii Maarso, 4,292 oo dadka deegaanka ah ayaa dhintey halka 367,218 laga helay cudurka, sida ay sheegtay Waaxda Caafimaadka ee Minnesota. Labo qof oo ah maxbuusyada xabsiyada ku jira ayaa u dhintey cudurka koronafayriska Khamiistii iagoo ku jirey Isbitaalka Abbott Northwest ee magaalada Minneapolis. Mid ka mid ah wuxuu ahaa nin 66 jir ah oo ka soo jeeda xabsiga Faribault kan kalena wuxuu ahaa nin 63 jir ah oo ka tirsan jeelka Moose Lake. Dhimashooyinkan ayaa calaamadeeyay dhimashadii afaraad ee COVID-19 ee xarunta Faribault iyo tii ugu horreysay ee xarunta Lake Moose.
Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz ayaa wuxuu shir jaraaid uu manta la qabtey Waaxda Caafimaadka ee Minnesota si uu uga warbixiyo dagaalka lagula jiro ka hortaga cudurka Koronofayriska ee gobolka Minnesota.
Gobolka Minnesota wuxuu isku diyaarineysaa helida shixnadihii ugu horreeyay ee tallaalka Koronafayriska, iyadoo la filayo in gobolku heli doono 183,400 talaal qiyaastii dhammaadka sanadka.
Mudnaanta koobaad waxaa la siin doonaa shaqaalaha daryeelka caafimaadka safka hore ku jira iyo dadka deggan guryaha waayelada lagu xannaaneeyo. Laba maxbuus oo kale oo reer Minnesota ah ayaa dhintay kadib markii laga helay COVID-19, sida ay sheegtay Waaxda Asluubta ee Minnesota.
Ujeeddadu ugu muhiimsan waa in la ilaaliyo dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo xirfadlayaasha kale ee daryeelka caafimaadka ee ka shaqeeya qaybaha daryeelka degdegga ah, kuwa ka shaqeyey cafimadka degdegga ah iyo goobaha kale ee ay xiriir toos ah la yeeshaan kuwa uu buko fayraska cusub ee coronavirus.
Dowladda federaalka, oo gacanta ku haysa sida tallaalka loogu qaybinayo gobollada, ayaa u sheegtay Waaxda caafimadka Minnesota in shixnadda ugu horreysa ay ka koobnaan doonto 46,800 qiyaasood oo ah tallaalka Pfizer, oo la filayo inuu helo oggolaanshaha sharciyeynta federaalka Khamiista.Waaxda caafimaadka ee Gobolka Minnesota waxay dadka ku dhiirrigeliyeen inay sii wadaan daboolida sanka iyo afka, kala fogaanshaha bulshada dhexdeeda, inay guriga joogaan marka ay jiran yihiin kana fogaadaan isu imaatinnada waaweyn si loo yareeyo fursadda faafitaanka fayraska Koronafayriska.