Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -12/30/20

 In Local Somali News

Wasaarada Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtey manta oo arbaco ah 12/30/2020 in ay u dhinteen cudurka koronfayraska 66 qof oo cusub. Waxaa sidoo kale laga helay cudurka koronafayriska dad gaaraya 2019 qof oo cusub.

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST DECEMBER 30,2020

Wasaarada Caafimaadka ee Minnesota (MDH) ayaa sheegtey 66 dhimashada manta oo ah arbaco 12/30/20. Sidoo kalena waxaa baaritaanka cudurka koronafayriska laga helay dad kor u dhaafaya 2000 qof.

Dhimada dadka dhintey manta ayaa u badnaa dadka waayelada ah eek u nool meelaha lagu xananeeyo wayeelada, iyadoo 43 qof oo dhimashada kamid ahi ay ahayen dad ku nool meelaha xananada ww dadka waaweyn. Iyadoo isku dar darka dadka u dhintey cudurkuna ay dhan yihiin dadk degana ama ku noola meelaha lagu xanaaneyo waayelada 3394 qof dhimashadooda.

Siduu u bilowday cudurka Koronfayrisku bishii maarso wuxuu ku dhacay dad gaaraya 413,107 o laga helay, 21,748 qof ayaa isbitaal u gashay cudurka koronfayriska dartiis, dhimashaduna siduu u bilowday bishii maarso iyo manta o ay tahay 12/30/20 waa 5262 qof.

Wasaarada caafimadka ee Minnesota warbixinteedi manta ay soo sartey waxay ku sheegtey in dad dhan 38,000 qof ay qaateen talaalka cudurka Koronafayriska labadii wiig ee ugu dambeyey. Sidoo kale warbixintu waxay shegtey inay heleen talaal dhan 175,000 xabo oo la siyey Gobolka Minnesota hadana gacanta ugu jira Isbitalada Gobolka. Waxa kaloo la filanayaa 76,000 oo ah talaalka in la keeno Gobolka Minnesota maalinta khamiista ah, iyadoo isku dar darka ka dhigeysa in gobolku helay sanadka 2020 251,000 talaal.

30

Recent Posts

Leave a Comment