Wararkii u dambeyey February 1st
Masuuliyinta caafimadka ayaa sidoo kale sheegay iney bixin doonan wiigan manta bilowdey talaal gaaraya 35,000 iyadoo talaalkaas la siin doono dadka da dooda ay ka weyntahay 65 sano. 9425 xabo oo talaalkas ah waxa laga bixin doona labo meelood oo waaweyn oo noqon donan meelo rasmi ah oo laga bixiyo talaalka, labada meelood waxay ku kala yalaan magaaloyinka Minneapolis iyo Duluth.
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST FEBRUARY 02,2021
Masuuliyanta ugu sareysa ee caafimaadka ee gobolka Minnesota ayaa ku dhawaaqay manta oo ah isniinta in gobolka uu xirayo meelo badan oo bulshada dagan gobolka Minnesota talaalka COVID-19 ay ka qadanayeen bishii hore oo aheyd meelo tijaabo ah. Iyadoo loo badalayo wixii manta ka bilowdo iney bulshada dagan gobolka ay ka qadan karaan talaalkooda cudurka koronafayriska xarumaha bulshada ee caafimadka, isbitaalada ay tagaan, iyo farmishiyaasha u dhow dhow Meesha ay degan yihiin. Tani waxay kordhin doonta in dad badan ay helaan talaalk cudurka koronfayriska.
Masuuliyinta caafimadka ayaa sidoo kale sheegay iney bixin doonan wiigan manta bilowdey talaal gaaraya 35,000 iyadoo talaalkaas la siin doono dadka da dooda ay ka weyntahay 65 sano. 9425 xabo oo talaalkas ah waxa laga bixin doona labo meelood oo waaweyn oo noqon donan meelo rasmi ah oo laga bixiyo talaalka, labada meelood waxay ku kala yalaan magaaloyinka Minneapolis iyo Duluth. Tani waxay badali doontaa 10kii meelod ee hore e talaalka laga qaadanayeye bishii hore ee Janaayo. Sidoo kale war saxafadeed ka soo baxay gudoomiyaha Gobolka Minnesota ayaa lagu shegay in meel sadexaad lagu furi doono mar dhow tasi ku ooli doonto koonfurta gobolka Minnesota.
Labada meelood ee tallaalka koronfayriska ay ka qaadan karaan bulshada ee Minneapolis, Duluth iyo koonfurta Minnesota ayaa loogu adeegi doonaa dadka jira 65 iyo wixii ka weyn. Goobta Minneapolis ayaa sidoo kale u adeegi doonta macallimiinta iyo shaqaalaha daryeelka carruurta.
Sidee ku heli karaa qofkii da diisu ka weyntahay 65 oo donaya inuu qaato talaalka cudurka koranfayriska?
Masuuliyinta cafimadka ayaa sameeyey bog cusub oo qadka internetka ah oo uu sahli doono inuu qofkii jira da da 65 iyo ka weyn iska qori karo, ogaana karo Meesha ugu dhow ee ka heli karo talaalka cudurka koronafayriska. Tani waxay sahleysaa ineysan dhicin in safar dheer loo galo sidii lo heli lahaa talalka. Fadlan booqo bogan si aad u heshid warbixinta Meesha kugu dhow ee talalka ka qadan kartid. Vaccine Locations / COVID-19 Updates and Information – State of Minnesota (mn.gov).
Macalimiinta iskuulada iyo shaqaalaha xanaanada caruurta waxaa toos ula soo xiriiri doonaa hayadaha ay u shaqeeyan, kuwaas oo isku dubbaridaya waaxaha caafimaadka ee deegaanka, si ay u balansadaan ballan tallaal kuwaso, la shaqeyn doona hayadaha caafimadka balana uga qaban doona ay ku qaataan talaalka cudurka korona fayriska.
Macallimiinta iskulada iyo shaqaalaha xanaanada caruurta waxay ka heli karaan tallaalkooda mid ka mid ah goobaha soo socda:
- Goobta tallaalka gobolka ee Minneapolis
- 35 xafiisyada caafimaadka bulshada ee gobolka oo dhan
- Farmashiyaha ku yaal Brainerd, St. Cloud iyo Rochester
Wakiilka Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH) Jan Malcolm ayaa u sheegtey warbaahinta manta oo Isniinta ineysan weli helin talaal ku filan dhamaan bulshada dagan gobolka Minnesota, inta hada la hayana loo qoondeyey dadka da daadu ka weyntahay 65, macaliminta iskuulada, iyo dadka ka shaqeeya xarumaha xanaaneyta caruurta.
Agaasimaha Cudurada faafa ee MDH Kris Ehresmann ayaa sheegay markii dadka waaweyn ee jira 65 iyo kuwa ka weyn lagu daro macaliminta iskulada iyo shaqaalaha daryeelka caruurta, isku darkoodu wuxuu garaya 1.1 milyan.