Helitaanka Talaalka COVID-19 -February 3-2021
Helitaanka Talaalka COVID-19
Pfizer-BioNTech iyo Moderna waa talaallo cusub oo gacan ka gaysanaaya joojinta faafida COVID-19. Talaalka COVID-19 ee Pfizer waxaa loogu talagalay dadka ay da’doodu u dhaxayso 16 iyo kuwa kasii wayn. Talaalka COVID-19 ee Moderna waxaa la siinayaa dadka ay da’doodu u dhaxayso 18 iyo kuwa kasii wayn. Waa go’aan adigga kugu xiran inaad talaalka qaadanayso iyo inkale.
Kahor intaan lagu talaalin
Macluumaadka Guud
Sida loo sameeyay: Talaalku wuxuu adeegsadaa tignooloojiyad nooc cusub ah oo u sheegaysa jirkasida loo aqoonsado fayraska keena COVID-19 iyo sida la isaga difaacaayo fayraska. Talaalka kuma jiro fayras nool. Kama aqaadi kartid COVID-19 talaalka. Kuurooyinka/Qiyaasta:
Waxaad u baahan doontaa labo kuuro oo talaal ah si lagaaga difaaco COVID19. Labada kuuraba waa inay ka yimaadaan talaalka hal shirkad (Pfizer ama Moderna). Dukumiintiyada: Waa inaad heshaa kaar sheegaya taariikhda lagu duraytalaalkaaga koobaad. Taariikhda balanta ayaa lagu qori karaa kaarka, si aad u ogaato marka aad u imaanayso kuurada labaad.Kaarka kuhayso boorsadaada ama waaladka oo soo qaado marka aad usoo laabato kuurada labaad.
Haddii aad haysato taleefanka gacanta, waxaad sawir ka qaadi kartaa kaarkaaga si aad u isticmaasho haddii aad iska lumiso jadwalka: Kuurooyinka talaalka Pfizer-BioNTech waxaa loo dhaxaysiiyaa 21 maalmood (saddex asbuuc). Kuurooyinka talaalka Moderna waxaa loo dhaxaysiiyaa 28 maalmood (hal bil). Talaallada mustaqbalka ee COVID-19 ayaa lahaan kara waqtiyada sugitaanka oo kala duwan oo u dhaxeeya kuurooyinka ama u baahan kara hal kuuro.
Maadaama ay jiraan xiliyo sugitaan oo kala duwan oo u dhaxeeya kuurada koowaad iyo tanlabaad ee talaallada Pfizer iyo Moderna, haddii ehel, saaxiibbo, ama qof kula shaqeeya uu qaatotalaal kaaga kala duwan, waxaa dhici karta in waqtiga sugitaanka ay kala duwanaadaan.