Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -February 4-2021
Dadka laga helay cudurka Koronafayriska ayaa dhan manta oo khamiis ah 2/4/21 1410 qof oo cusub, iyada taashi aheyd labo jibeer, markii loo fiiriyo dadka laga helay cudurka koronfayriska shalay arbacadii oo ahaa 669. Sidoo kale dadka u dhintey cudurka Koronfayriska ayaa ahaa manta 17 qof.
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST FEBRUARY 04,2021
Waaxda caafimadka Gobolka Minnesota ayaa shaacisey manta in laga helay dad gaaraya 1410 qof cudurka koronafayriska, taasoo ah laba jibaar ah marka loo fiiriyo int a laga cudurka shalay oo aheyd 669 qof. Baaritaanka cudurka Koronfayriska ayaa shalay laga qaday dad gaaraya 50,330, kuwaso lagu baarey sheybaarada gobolka leeyihiin iyo kuwa shaqsiba loo leeyahay. Dadkaan laga baaray shalay cudurka ayaa ka badan dadkii shalay la baarey.
Sidoo kale dadka u dhintey cudurka Koronfayriska ayaa ahaa 17 qof manta. Siduu u bilowdey cudurka koronafayriska waxaa u dhintey 6251 qof oo ah dad dagan bulshada gobolka MN. 3995 ama 100 kiiba 64% waxay ahaayen dad ku noola meelaha lagu xanaaneyo dadka waayelada ah.
Sagaal qof oo ka mid ah 17 qof ee u dhintey cudurka Koronfayriska ee manta la shegay ayaa waxay daganayan magaaloyinka mataanaha ah ee St.Paul iyo Minneapolis. Sagaal ka mid ah dhimashadu waxay ku jireen meelaha dadka waayelada lagu xanaaneyo, qof na guryaha dadka lagu hayo, qof kalena xarun cafimad o maskixiyan ah, qof kalena wuxuu ahaa qof xabsi ku nool.
Waxaa hada gobolka Minnesota isbitaaladeeda ku jira 369 qof oo ku dhacay cudurka Koronfayriska, iyadoo dadkani ka yaryihiin marka loo firiyo dadkii usbuucii hore isbitaalka ku jirey oo dhamaa 442 qof. Qeybta daryeelka caafimad ee deg deg ah ICU waxaa ku jira 82 qof.
Sidoo kale waaxda caafimadka ee gobolka Minnesota ayaa sheegtey iney bixiyen in ka badan 600,000 oo talaal oo la siyey bulshada dagan gobolka.