Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -2/8/21
Waaxda caafimadka ayaa manta sheegtey iney talaalka cudurka Koronfayriska ay qaateen dad gaaraya 556,482, taasoo u dhigenta boqolkiiba toban bulshada ku nool gobolka Minnesota. Marka la isla barbardhigo inta qof ee qadatey maraykanka oo dhan ayaa ah boqolkiiba sagaal.
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST FEBRUARY 08,2021
Iyadoo horumar weyn laga sameeyey talaal bixinta cudurka koronafayriska ayaa hadana qaarka ka mid isbitaalada gobolka Minnesota ka soo horjeesten qaabka talaalka loo qeybinayey, weliba qeybta baqtiytaanasibka ah ee dadka ka weyn 65. Warqad uu qorey jimcihii madaxa iskaashatada isbitaalada ayaa ku dhaleeceyey sida ay waaxda caafimadka u qeybisey talaalk, qasatan buu yiri waxaa jira qaar isbitalada ka mid oo mudo saddex wiig ah an helin wax talaal ah.
Waaxda caafimadka ayaa ka jawaabtey oo shegtey iney bilaaben wiigagagn soo socda in toos loogu geeyo talaalada xarumaha caafimaadyada oo ay ku jiraan, iyagoo weliba sii wadaya baqtiyaanasiibkii. Waaxda caafimaad ayaa qoraalkeda jawaabta ah ku sheegtey in boqolkiiba konton iyo labo talalka loo qeybiyey isbitaalada iyo xarumaha caafimadka, halka xarumaha dadka waayeelada ah ee magaalooyinka Minneapolis iyo Duluth la siiyey boqolkiina toban.
Waaxda caafimaadka ayaa ku boorineysa dadka ka weyn da ahaan 65, macalimiinta iskuulada, iyo shaqaalaha xarumaha xanaanada caruurta iney qaataan talaalka cudurka koronofayriska, iyagoo wici kara xarumahooda caafimaad, waxa kale oo ay ka heli karaan macluumad badan oo ah xarumaha laga qadan karo talalka bogan internetka ah Find My Vaccine / COVID-19 Updates and Information – State of Minnesota (mn.gov)