Talaalka oo la bixin doono – 2-10-2021
Waaxda caafimaadka ee Gobolka Minnesota ayaa sheegtey in laga bixin doono talaalka cudurka Koronafayriska farmiyaaasha Walmart iyo Thrift. Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Minnesota oo maalintii jimcihii soo saarey warsaxafadeed ayaa ku sheegay in wada shaqeyn dhexmartey dowlada dhexe ey suurta galisey in farmiyaasha Walmart iyo Thrift White loo qoondeeyo talaala gaaya 16,000.
Sidoo kale waaxda caafimaadka ayaa sheegtey manta iney u dhinteen cudurka Koronafayriska dad gaaraya 11 qof. Dadka manta dhintey waxaa ku jirey ilmo yar oo da diisu u dhaxaysey 5-9. Afhayeenka waaxda caafimadka Doug Schultz ayaa sheegay ilmaha uu qabay xaalada kale oo caafimad oo laga yaabo.
Sidoo kale warbixinta ka soo baxdey waaxada caafimadka ayaa lagu sheegay in baaritanka cudurka Koronafayriska manta laga helay dad gaaraya 677 qof. Sidoo kale dadka ugu jira isbitaalada cudurka Koronfayriska ayaa ah 317 qof, halka 78 qof oo ka mid ahi ay ku jiraan qeybta daryeelka caafimadka deg deg ah.