Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 – February 11,2020

 In Local Somali News

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST February 11,2020

 

Waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota ayaa ku wacyi galisey bulshada dagan gobolka iney is ilaaliyan oo aysan u qadan in cudurkii koronfayriska uu dhamadey, inkastoo oo uu hoos u dhacweyn ku yimid dadka laga helay cudurka marka loo fiirsho bishii lixaad a sanadkii hore. Hadaladii waxa ka mid ahaa in la iska dhigan oo lo qadan in cudurkii dhamadey.

Warbixinta ay siisey warbaahinta agaasimaha waaxda caafimadka ayay ku sheegtey in shalay ay cudurka u dhinteen dad gaaraya 24 qof. Dadka dhintey ayaa da doodu u kala dhaxeysey 30 jir ilaa iyo 100 jir. Sidoo kale warbxinta ayaa lagu sheegay qofka 30 jirka ahaa inuu qabay cuduro kale o an aheyn koronafauriska.

Sidoo kale agaasimaha waaxda caafimadka ayaa ku shegtey warbaahinta in la taalalay dad gaaraya 777,000 oo dagan gobolka, iyadoo 600,000 dadkaas ka mid ah qaateen hal cirbad talaalka ah, halka 177,000 qofna qaateen hal cirbad oo talaalka ah.

Waxaa sidoo kale warbaahinta la hadlay agaasimaha cudurada faafa ee gobolka Minnesota Kris Ehresman ayaa shegtey iney u jeedo rajo weyn oo isbadal ah iney soo socoto, iyadoo tiri waxaa soo yarana dadka laga helaya cudurka iyo talaalkii oo siĀ  wanaagsan u socoto qaadashadisa iney ku hanweyntahay in rajo fiican qabto.

Sidoo kale waxay sheegtey in boqolkiiba sodon la taalalay dadka da doodu ka weyn tahay 65 sano.

Recent Posts

Leave a Comment