Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -February 12-2021

 In Local Somali News

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 12 PM CST February 12,2020

Warbixintii u dambeysey ee ka soo baxdey waaxda caafimadka ee gobolka Minnesota ayaa shegtey in laga helay cudurka koronfayriska dad gaaraya 1058 qof, iyadoo taasi ay ka dhigey isku darka dadkii laga helay siduu cudurka u bilowdey ilaa hada 471,851. Sidoo kale warbixinta ayey waaxda caafimadka ku sheegtey iney u dhinteen cudurka shalay 19 qof,, iyadoo taasina ka dhigeysa dhimashada dadka  u dhintey cudurka kornafayriska ilaa hada 6362

18 kamid ah 19 qof ee u dhintey shalay cudurka koronafayriska ayaa ka weynaa da’a ahaan 65, iyadoo boqolkiiba sideetan iyo shan dadkii u dhintey cudurka koronafayriska ee ahaayen dad da’doodu ka weyneyd 65. Waana muhiimada hada loogu hormariyey iney dadka da daas ah qaataan talaalka cudurka si ay ka hortagna ugu noqoto, laguna badbaadiyo qaasatan waalidyada iyo ehelkeena waaweyn.

Warbixinta waaxda caafimadka ayaa sidoo kale lagu sheegay iney qaateen hal talaal hada dad gaaraya 617,896, halka dad gaarayana 189,902 waxay dhameysteen labadii talaal.

Waaxda caafimaadka ee Gobolka Minnesota ayaa sheegtey in laga bixin doono talaalka cudurka Koronafayriska farmiyaaasha Walmart iyo Thrift. Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Minnesota oo maalintii jimcihii soo saarey warsaxafadeed ayaa ku sheegay in wada shaqeyn dhexmartey dowlada dhexe ey suurta galisey in farmiyaasha Walmart iyo Thrift White loo qoondeeyo talaala gaaya 16,000.

 

 

Recent Posts

Leave a Comment