Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -February 15-2021
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 12 PM CST February 15,2020
Warbixintii u dambeysey ee soo saartey waaxda caafimadka ee gobolka Minnseota manta oo ah Isniin bishii February 15 keeda yaa lagu sheegay, iney qaateen talaalka cudurka caabuqa koronafayriska qidmadiisii koowaad dad gaaraya 675,329 qof, halka ay yihiin dadka wada dhameyseystey labada qidmadood 238,104. Waxaa la rajeynayaa iney sii kordhidoonan dadka qaadanaya talaalka, iyadoo la geeyey talaalka farmishayaasha Walgreens iyo Thrift White halkasoo ay ka qadan karaan talaalka.
Adeeg bixiyaasha talaalka ayaa ku guuleystey iney bixiyan talalka boqolkiiba sagaashan sadex beri gudahood markey ka helaan talaalka dowlada dhexe, taasoo xoojineysa yoolkii gudoomiyaha gobolka Tim Walz ee ahayd in lagu guleysto bixinta talalka sida ugu dhaqsiyaha badan.
Dadka talaalka qaatey 300,430 qof oo ka mid ahi waxay ahaayen dad ka waaweyn da da 65 sano, 236,599 kalena waxay ahaayen dad da doodu u dhaxeysa 18-49 sano. Dadka da doodu yar thahay ayaa ah dad ka shaqeeya isbitaalada, xarumaha caafimadka ee dadka wayelada lagu hayo, macaliminta iskuulada, iyo dad ka shaqeeya melaha lagu xanaaneyo caruurta yar yar.
Waaxda caafimadka ayaa sidoo kale sheegtey inuu cudurka caabuqa koronafayriska ay u dhinteen labo qof, halka baaritaankisa laga helay dad gaaraya.
Hadii aad u baahantahay macluumad said ah, waxaad wacdaa numberkaan 651-201-3920 maalmaha isniinta ilaa jimcaha 7 subaxnimo ilaa 5 galabnimo, waxaana diyarsan tarjumano ku hadla af-soomaliga oo ku caawin kara.