Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -February 17-2021

 In Local Somali News

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 12 PM CST February 17,2020

Maanta warsaxafadeed iyo shir jaraaid uu qabtay gudoomiyaha gobolka Minnesota manta ayu uku shaaciyey qorshe cusub oo ardayda dugsiga dhexe iyo dugsiga sare iney ay dib ku laabanayan iskullada, dibna loo furayo iskuladii xirnaa. Gudoomiyaha ayaa sheegay in laga bilaaba bisha February 22da ay qorsheynayaan in caruurta iskuulada ku laban karaan, kuwii doonaya iney iskulada ka dhigtaan xaafadada la siin doono fursadahas oo aysan qasab aheyn in reer walbaa uu carurtisa iskuulada u soo diro.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in dadaalkii ay kula jireen caabuqa Koronafayriska uu dhaliyey iney hirgasho inuu cudurkii uu hoos u dhacay dadkii u uku dhacayey iyo qaarkii isbitaladaba ugu jirey sidaas darteedna ay go aanka u qaaten. Wuxuu kaloo mahad balaaran siyey dadaalkii la galiyey qeybinta talaalka isagoo sheegay in boqolkiiba labatan iyo sided macalimiinta iskuulada aya qaateen talaalka cudurka Koronafayriska.

Warbixinta maalin la ah ee waaxda caafimadka soo deysey manta 2/17/21 ayaa sheegtey in laga helay cudurka caabuqa Koronafayriska dad gaaraya 783 qof. Iyadoo dadka manta laga helay ka badantahay dadkii shalay laga helay oo dhamaa 456. Sidoo kale dadka u dhintey cudurka ayaa dhamaa 10 qof manta, iyadoo tani ka dhigeyso siduu cudurka u bilowdey dadka u dhintey cudurka caabuqa Koronafayriska 6390.

Recent Posts

Leave a Comment