Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -February 18-2021
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 12 PM CST February 18,2020
Waaxda caafimadka ee gobolka Minnesota ayaa manta sheegtey iney dib u dhac ku yimid talaalkii caabuqa ee cudurka Koronfayriska sababo la xiriiro isbadalka cimilada iyo qabowga ka dhacaya goblada koonfureed ee Maraykanka. Waaxda ayaa shegtey in talaalka manta laga bixin lahaa xarumaha waaweyn ee gobolka ku yaala magalaaloyinka Minneapolis, Duluth, iyo Rochester manta iyo beri. Waxay shegtey dadkaas balantooda la baajiyey iney kula xiriiri doonaan iimeelkada.
Waaxda ayaa sidoo kale sheegtey in talaalka dadkda la siiyey ay sii korotey iyadoo dadka hada qaatey ay yihiin 710,305 qidmadii koowaad, iyadoo 264,122 ayaa dhameystey qidmadii labaad, iyadoo tasi ka dhigeysa dadka qaatey talaalka 974,427, iyadoo rajadu tahay in Jimcaha la gaaro in ka badan hal milyan oo qof in la talaalo.
Sidoo kale waaxda ayaa shegtey in laga helay cudurka dad gaaraya 928, iyadoo sidoo kale ay u dhinteen dad gaaraya 14 qof oo cusub. Taasoo ka dhigeysa dhimashda dadka u dhintey cudurka Koronafayriska siduu u bilowdey 6404 qof.