“Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -February 22-2021”
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 12 PM CST February 15,2020
Waaxda caafimaadka ee Minnesota ayaa manta oo ah Isniint 2/22/21 bulshada dagan gobolka ku boorisay inay ka taxadaraan kana hortagaan gudbinta cudurka caabuqa ee Koronafayriska meelaha bulshada isugu yimaadan, sababtoo ah waxaa jirta iney dhici karto faafid cusub ieny bilaabato taasoo dhib udhac weyn ku keynaysa horumarkii laga soo maray xadidad cudurka caabuqa ee Koronfayriska.
Waaxda caafimadka ayaa sidoo kale sheegtey iney jiraan meelo uu cudurka Koronfayriska ka dilaacay oo 39 qof ay ka soo qaadeen baararka ama meelaha lagu caweeyo iyo maqaayadaha cuntada loo tago, iyadoo sidoo kale ay jiraan dad gaaraya 85 oo ka soo qaadey meelaha lagu jimicsado oo jirka lagu dhisto.
Agaasimaha cudurada faafa Kris Ehresmann oo warbaahinta manta la la hadashey ayaa shegtey iney jiraan dad qaba oo cudurka lakinse aan laheyn calaamadihii cudurka sidaas darteedna sii faafinaaya cudurka, waxay ku wacyi galisey bulshada dagan gobolkoo dhan iney afka iyo sankba xirtaan markey joogan meelaha jirka lagu dhisto, in ilaa lix talaabo lakala fogaado, sidoo kalena muhiim tahay in faraha la dhaqdo.
Waaxda ayaa sheegtey manta in laga helay cudurka caabuqa Koronafayriska 561 qof, iyadoo sidoo kalena xaga dhimashada ay aheed inuu u dhintey hal qof. Iyadoo dhimashada isku darka siduu u bilowdey cudurka Koronafayriska ee gobolka Minnesota ay tahay hada 6433 qof.
Warbaahinta gobolka ayaa weydiiyeysey gudoomiyaha waaxda caafimaadka Jan Malcolm iney suurtagal tahay codsi ka yimid kooxda baseballka gobolka ka soo ay codsadeen in taageerayasha kooxda twins 10,000 loo ogolaado garoonka marka la gaaro xagaga, gudoomiyaha ayaa ka gaabsatey iney taasi hada surtagal tahay hada waxayna haday wax isbadalan waan idinla soo socodsiin dona, dhamanteen, anaga, taagerayasha, kooxda naftigeeda waxan rabnaa inaan cudurkaan halmar ka wada adkaano.
Waxaan bulshada ku wacyi galineynaa iney ka feejignaadan markay isagu yimaadan meelaha lagu caweeeyo maqaayadaha waxa lagu cuno iyo weliba xafladaha aroosyada, iyadoo muhiim tahay in sanka, afka la xirto, in lakala fogaado, in waanooyinka caafimaadka la qaato.