Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -February 24-2021
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 1:00 PM CST February 24,2020
Waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota ayaa sheegtey manta oo Arbaco ah 2/24/2021 iney bilaabeyso dar dar galiska bixitaanka talaalka cudurka caabuqa ee Koranafayriska, kadib markuu wiiguu hore dib u dhac ku yimid sababo la xiriira cimalada gobalada koonfureed ee Maraykanka kuwaso sababey iney dib u dhacaan dhaq dhaqaqii lagu keenayey talaalka.
Warbixinta ayaa sheegtey iney talaalka qaateen hada boqolkiiba sadex iyo toban bulshada dagan gobolka Minnesota. Iyadoo dadka qaatey hal qidmad oo ka mid ah talaalka ay dhan yihin 770.021, halka dadka qaatey cidmada kaliya ay yihiin 370,791. Waaxda caafimadka ayaa ku bararujineysa dadka ka weyn 65 sano, macalimiinta iskuulada, dadka ka shaqeeya xarumaha caafimadka, iyo kuwa ka shaqeeya meelaha xanaanada caruurta ay qaataan talaalka.
Waaxda caafimadka gobolka ayaa sheegtey manta in laga helay cudurka caabuqa Koronfayris dad gaaraya 761 qof, halka dadka u dhintey cudurka ay gaarayan sagaal qof iyadoo siduu u bilowdey cudurka Koronfayriska ay u dhinteen 6443 qof oo dagan gobolka Minnesota