Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -February 25-2021
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 12 PM CST February 25,2021
Gudoomiyaha gobolka Minnesota oo maanta shir jaraaid qabtey ayaa shegay iney dajiyeen qorshe cusub oo ay rajeynayaan in mar dhow loo fasixi doono iney talaalka qaadan karaan bulsha weynta degan gobolka Minnesota, inkastoo uu yiri hada waxaan dar dar galineynaa inaan siino talaalk dadka 65 sano ka weyn oo dhamaanka bisha Maarso la siiyo boqolkiiba todobaatan.
Sidii Talaalka loogu bilaabay bishii Janaayo waxaa la siiyey dadka ka weyn 65 sano boqolkiiba afartan iyo saddex, iyadoo aheyd yoolkii ugu weyn ee dowlada in la siiyo talaalka dadka waayelada ah, waayo boqolkiiba sagaashan dadkii u dhintey cudurka Koronfayrisa ayaa ahaa dad da doou ka weyn tahay 65 sano. Gudoomiyaha ayaa shirkiisa jaraaid ku sheegay iney wadi doonan dadaalka ay rabaan iney boqolkiba todabatan talaalka la gaarsiyo dhamadka bisha Maarso.
Gudmmoiyaha ayaa sheegay in bisha Luulyo kowdeeda la fasixi doono iney talaalka la siiyo dadka qaba cudurada halista ah sida kaankarada, dadka cuuryanimada qaarkod, dadkaas ka dibna waxaa ku xigi doono in la siiyo dadka ka shaqeeya meelaha hilibka lagu qalo oo lagu soo diyaariyo hilibka la suuq geeyo. Gudoomiyaha waaxda caafimadka Jan Malcolm ayaa iyadana shegtey iney qorsha waaxda uu yahay in bulshada dagan ay wada helaan talaalka bilaha kululeehah ee Juun iyo July.