Qofkee qaadan kara talaalka?
Qofkee qaadan kara talaalka?
Qof kasta oo ka wayn 16 sano jir ayaa lagu talinayaa inuu qaato talaalka COVID-19 marka uu heli karo. Kuwaan waxaa ku jira dadka qaba xaaladaha caafimaadka, soo maray COVID-19, iyo dadka leh da’aha, isirada, iyo qoomiyadaha kaladuwan. Talaalka ayaa ku haboon haweenka uurka leh iyo kuwa nidaamkooda difaacu liito, laakiin waa inay la hadlaan dhakhtarkooda kahor intaysan qaadan talaalka COVID-19. Minnesota waxaa u qorshaysan inay kuurooyinka koobaad, oo kooban siiso dadka khatarta wayn ugu jira COVID-19 iyo/ama xanuunka xun ka qaadi kara COVID-19. Waxaan xogihii ugu danbeeyay kusoo gudbin doonaa hababka badan ee wararka si aan u shaacino dadka talaalka qaadan kara, marka ay talaalka heli karaan, iyo meesha ay talaalka ka helayaan.
DHIBAATOOYINKA KA DHASHA TALAALKA
Dadka qaar ayaa dhibaatooyin ka qaada kadib markay talaalka qaataan. Dhibaatooyinka ka dhasha talaalka ayaa caadiyan sii nagaada hal ama labo maalmood inta badana kaama hor istaagayaan hawl maalmeedkaaga.
Waxaad dareemi kartaa:
- GACAN XANUUN
- MURQO XANUUN
- DAAL
- MADAX XANUUN
- QANDHO/ QARQARYO
Haddii aad dareento dhibaatooyin xun, aad isbitaal ama wac 911. Dhawr badbqabka naftaada iyo dadka kale Waxay qaadanaysaa muddo dheer qof kasta in la talaalo. Xataa kadib marka la talaalo, wali waa inaad samaysaa waxyaabahaan si ay kaaga caawiyaan dhawrista badqabka bulshadaada: Xiro maaskaro. Faraxalo. Ka fogoow 6 fuudh dadka kale. Joog guriga haddii aad jiran tahay
TALAALKU MALAHAN:
- Maadooyin lagaga ilaalinayo inuu halaabo
- Maadooyinka doofaarka ama gelatin
- Fayraska COVID-19 oo nool