TALAALKA COVID-19 AASAASIYAADKA
TALAALKA COVID-19 AASAASIYAADKA
Talaalka COVID-19 waa mid amaan ah, oo si fiican u shaqaynaaya. Talaalka waxaa loo sameeyay inuu ka hortago cudurada. Waxaa jira labo tallaalada COVID-19 ah oo hadda diyaar ah. Labada tallaal ee COVID-19 waxay u sheegayaan jirkaaga sida loo aqoonsado loolana dagaalamo fayraska. Talaallada waxaa loogu yeeraa tallaalada mRNA. Talaallada COVID-19 kuma siin karaan COVID-19. Tallaalada COVID-19 ayaa si taxadar leh loo tijaabshay kahor intaan loo ansixin isticmaal degdeg ah.
Waa muhiim in bulshooyinkeena kaladuwan lagusoo daray daraasaadka talaalka ay soo saareen Pfizer iyo Moderna. Tiro ka badan 32,000 oo kamid ah dadka Madoowga, Laatiinka, Hindada Ameerikaanka iyo dadka Aasiyaanka ah ayaa ka qaybgalay daraasaadkaan. Waxaan ognahay in bulshooyinkaan badanaa laga reebo faa’iidooyinka daawada laakiin ay waajahaan isir nacayb joogto ah oo horay u jiray, naxdin caafimaad, iyo xadgudub. Arimahaan ayaa ugasii dara saamaynta COVID-19 ku leeyahay bulshooyinkaan waxayna adkeeyaan baahida loo qabo talaal badqab iyo waxtar leh oo la siinaayo dhammaan.
Waxa ay tahay inaad filato marka aad qaadato talaalka • Dad loo tababaray bixinta talaalka ayaa ku tusi doona sida hanaanku u shaqeeyo. • Waxaad u baahan tahay inaad hesho labo kuuro si aad isaga ilaaliso. Qofka ku siinaaya talaalka ayaa kuu sheegaya marka aad helayso kuurada labaad.. Labada kuuraba waa inay isku nooc yihiin. • Waa lagula socon doonaa xaalkaaga kadib marka lagu talaalo si loo fiirsho in cilado xun ka dhashaan. • Waxaad heli doontaa kaarka talaalka marka lagu talaalo. Tani waxay aqoonsan doontaa nooca talaalka aad heshay (Pfizer ama Moderna). Tani waxay muhiim u tahay kuurada labaad. • Waa dookhaaga inaad qaadato talaalka