Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -March 8-2021
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST MARCH,2021
Warbixintii u dambeysey ee waaxda caafimadka ee manta eek u saabsaneyd cudurka koronfayrosa ayay ku sheegtey in tallaalka Koronafayrisa la siiyay boqolkiiba lixdan iyo lix 66% dadka waayeelka ah ee ku nool gobolka Minnesota, taasoo ka dhigi doonta in maalmaha soo socda gudahood la gaaro bartilmaameedka ahaa in boqolkiiba todobaatan 70% dadka waayelkada ah la talaalo.
Ku dhowaad 1.1 milyan oo qof ayaa qaatay tallaalka COVID-19,dadkaas la siyey talalka ayaa ahaa dadkii mudnaan la siiyay kuwaaso ah, shaqaalaha daryeelka caafimaadka, barayaasha ama macalimiinta iskuulka, deganayaasha xarunta daryeelka muddada-dheer iyo dadka waayeelka ah. Waaxda caafimadka ayaa sidoo kale sheegtey iney cudurka Koronafayriska u dhinteen afar qof, sidoo kalena laga helay 473 qof oo cusub.
Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Minnesota waxay ku talineysaa in dhammaan dhalinyarada da’da iskuulka ah, kuna laabanaya dugsiga waxbarasho, isboortiga, ama waxqabadyada manhajka ka baxsan, iyo qoysaskooduba iney iska baaraan cudurka Koronafayriska labadii toddobaadba mar illaa iyo dhamaadka sannad-dugsiyeedka 2021.