Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -March 10-2021
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST MARCH,10 2021
Warbixintii u dambeysey ee waaxda caafimadka ee manta eek u saabsaneyd cudurka koronfayrosa ayay ku sheegtey in tallaalka Koronafayrisa la siiyay boqolkiiba lixdan iyo lix 70% dadka waayeelka ah ee ku nool gobolka Minnesota.
Ku dhowaad 1.1 milyan oo qof ayaa qaatay tallaalka COVID-19,dadkaas la siyey talalka ayaa ahaa dadkii mudnaan la siiyay kuwaaso ah, shaqaalaha daryeelka caafimaadka, barayaasha ama macalimiinta iskuulka, deganayaasha xarunta daryeelka muddada-dheer iyo dadka waayeelka ah. Maanta waxaa talaalka qaatey gudoomiyaha waaxda caafimadka Jan Malcolm iyadoo talalka lagu siiyey warbaahinta hortooda si loo baraarujiyo inuu qof walba qaato, qaasatan dadka da’dodu ka weynthay 65 sano.
Waaxda caafimadka ayaa sidoo kale sheegtey iney cudurka Koronafayriska u dhinteen sagaal qof, sidoo kalena laga helay 922 qof oo cusub.
Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Minnesota waxay ku talineysaa in dhammaan dhalinyarada da’da iskuulka ah, kuna laabanaya dugsiga waxbarasho, isboortiga, ama waxqabadyada manhajka ka baxsan, iyo qoysaskooduba iney iska baaraan cudurka Koronafayriska labadii toddobaadba mar illaa iyo dhamaadka sannad-dugsiyeedka 2021.