Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -April 9-2021

 In Local Somali News

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST April 9, 2021

Waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota ayaa soo sheegay 2,659 oo cusub oo qof in laga helay  COVID-19 iyadoo 10 dhimasho oo dheeri ah jimcihii iyadoo isbitaalada la dhigaayo ay sii kordhayaan. Lix ka mid ah 10-kii dhimasha ee la soo sheegay Jimcihii waxay ku jireen xarumaha daryeelka muddada-dheer. Mid ka mid ah dhimashadu wuxuu ahaa qof 30 jir ah.

Bukaanka Isbitaalada ee COVID-19 ayaa si isdaba joog ah u sii kordhaya, haatan waxay marayaan meeshii ugu saraysay tan iyo bartamihii Janawari. MDH waxay soo warisay inay jiraan 595 qof oo hada la seexiyay COVID-19 Minnesota, 134 ka mid ah waxay ku jiraan ICU-marka la barbardhigo isbitaalada la dhigay 429 iyo 112 kiis oo ICU ah usbuuc ka hor.

Waaxda Minnesota waxay dhaaftay saddex milyan oo tallaal COVID-19 ah oo la qaatay, kaliya seddex isbuuc ka dib markii ay garaacday calaamadda labada milyan.

Dhanka kale, 1,940,081 reer Minnesota waxay leeyihiin uguyaraan qiyaasta koowaad ee tallaalka COVID-19 iyo 1,285,925 ayaa dhameystiray taxanaha tallaalka, oo qiyaastii ah 44% iyo 29% dadweynaha gobolka siday u kala horreeyaan

Recent Posts

Leave a Comment