Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -April 23-2021

 In Local Somali News

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST April 23, 2021

 

Warbixintii u dambeysey ee ka soo baxday waaxda caafimadka ee gobolka Minnesota ayaa sheegtey in uu   cudurka COVID-19 ee manta oo  jimca ah 4/23/21 ayaa mar kale ka kor martay  2,000 qof.

Waaxdu waxay diiwaangelisay 2,167 qof oo ku dhacay cudurka COVID-19 oo dheeraad ah,  taas oo wadarta guud ee cudurka COVID-19 ee Minnesota ka dhigaysa 564,584 tan iyo markii uu billowday cudurkan caabuqa ee COVID-19. Tirooyinka ayaa imanaya maalin uun ka dib markii Guddoomiyaha Caafimaadka Jan Malcolm ay walaac ka muujiyay aragtida faafitaanka ardayda dugsiyada dhexe iyo sare.

Waaxda caafimadka ee gobolka Minnesota MDH waxay ku boorineysaa ardayda isboortiga inay isbaaraan usbuuciiba hal mar iyagoo isku dayaya inay joojiyaan gudbinta dadka waaweyn ee reer Minnesota ee aadka u nugul kuwaasoo laga yaabo inay isbitaal u jiiftaan.

10 qof oo dheeri ah ayaa u dhintey COVID, taas oo wadarta dhimashada ka dhigeysa sidii u bilowdey cudurka COVID-19, 7,064. Feyrasku wuxuu ahaa midka ugu dilaaga badan dadka  da’doodu u dhaxeyso 85 ilaa 89.

Laga bilaabo Arbacada waaxda caafimadka Minnesota MDH waxay sheegaysaa in ku dhowaad 100 kiiba  54% dadka gobolka ee u da’dodu  16 iyo wixii ka weyn ay heleen ugu yaraan hal tallaal, 1,711,408 qofna way dhameystireen taxanaha COVID waxaana loo arkaa inay gebi ahaanba tallaalan yihiin. Taasi waa 100 kiiba 38.8% kuwa xaqa u leh.

Recent Posts

Leave a Comment