Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -May 4 29-2021
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST May 4, 2021
Iyadoo oo tixraacaya sii faafida noocyada kala duwan ee COVID-19 ee gobolka, Agaasimaha Cudurrada faafa ee MDH, Kris Ehresmann ayaa ka codsatay reer Minnesota inay taxaddar muujiyaan markay safrayaan – gaar ahaan meelaha ay ku badan yihiin fayraska.
Wakiilka MDH Jan Malcolm ayaa sheegay in inbadan oo kamid ah dadka raadsaday talaalada ay awoodaan in ay helaan. Waxay sheegtay in hadda oo gobolku leeyahay saad sare oo tallaal ah, tallaabada xigta ay tahay “kor u qaadista” xeeladaha iyo iskaashiga bulshada si loo gaaro kuwa kale.
Ehresmann waxay raaciyay in wejigan soo socda ee talaalka loo qaybinaayo – la xiriirida dadka laga yaabo inaysan “safka ku jirin” oo ay si firfircoon u raadsadaan fursad ay ku helaan talaal – waxay noqon doontaa shaqo badan iyo dadaal dheeri ah.
Markii la weydiiyay go’aanka Madaxweyne Joe Biden ee ah in dib loo qaybiyo sahayda tallaalka, Malcolm wuxuu sheegay in MDH ay sugeyso inay faahfaahin ka dhageysato CDC, laakiin waxay ku dartay inay fahamsan tahay baahida loo qabo in tallaal la siiyo gobolada kale. Waxay sheegtay inaysan hayn faahfaahin badan illaa iyo hadda sida go’aanku u saameyn doono qoondaynta tallaalka Minnesota.