Sidee Si badqab ah Loo Ciidi Karaa – May 12-2021

 In Local Somali News

Sidee Si badqab ah Loo Ciidi Karaa

Talooyinka kaa caawinaya ka hortaga faafida COVID-19:

  • Ha marti galin ama ha tagin goobaha dadka badan iskugu imaadaan sida masaajida, maqaaxiyaha, ama gurigaaga, hadii ay suurta gal tahay. Hadii ay qasab tahay, raac talooyinkaan
    • hadii ay suurta gal tahay, ka qaybgal ama marti gali kulan dibada ah badalkii aad meel xiran ku kulmi lahaydeen
    • Waxaad xirataa maaskaro hadii aad gudaha kula jirtid qof aan kula noolayn. Hadii aad banaanka la joogtid dad badan, waxaa laguugula talinayaa in aad xiratid maaskaro.
    • Waxaad ka fogaataa 6 feet qof kasta oo aadan la noolayn.
  • Ka fikir in aad safarkaada dib u dhigatid xitaa hadii aad talaalka qaadatay.
    • Mar walbo oo aad safartid, waxaad bulshadaada ku faafin kartaa noocyada COVID-19 marka aad soo laabatid. Gacan ka gayso ka hortaga noocyada COVID-19 inay ku faafaan bulshada.
  • Is baar hadii aad la kulantay qof qaba COVID-19, hadii aad xanunsatid, ama aad safartay goor dhow.

Talooyinka laga doonayo in ay raacaan dadka aan talaalnayn:

Hadii aad isu imaataan qoysas kale, xusuusnow inaad:

  • In aad xirataan maaskaro marka aad gudaha dhismo ku dhex jirtaan. Hadii aad joogtaan meel banaan ah oo dad badani iskugu imaadeen, waxaa laguugula talinayaa in aad wali xiratid maaskaro.
  • In aad ka fogaatid 6 feet dadka kale.
  • In aad ku kulantaan meel hawo fiican leh. Hadii aad dhismo ku dhexjirtaan, fura dariishadaha iyo albaabada si dabeel idinkugu soo gasho hadii ay suurta gal tahay
  • In aad dabooshid afka iyo sanka marka aad qufacaysid ama hindsoonaysid, gacmahana dhaq mar walbo.
  • In aad diiwaan galisid magacyada martida si hadii qof laga helo COVID-19 inta kale loola socodsiiyo.
  • In aad is baartid igu yaraan shan maalin ka dib isu imatinka.

Hadii aad xanuunsanthay, aadna sugaysid jawaabta baarista COVID-19, guriga joog hana tagin meelaha la iskugu imaado. 

Talaalka qaado hadii aad xaq u leedahay. Waa sida ugu fiican ee looga hortagi karo in COVID-19 kugu dhaco, loona dabaaldago bulshada si bad qab ah. 

Talooyiinka dadka la talaalay laga doonayo in ay raacaan:

Hadii si buuxda lagaaga talaalay COVOD-19 ugu yaraana labo usbuuc ay ka soo wareegatay intii aad qaadatay dhooskii ama qabyta labaad ee tallaalka u danbeeyay (Waqti ku filan in difaaca jirkaaga ku dhismo), waxaad leedahay difaac kaa ilaalin kara xanuunka.

  • Xiro maaskaro marwalbo oo aad la kulmaysid qof aan talaalnayn, ama aad booqanasid guri uu ku noolyahay qof halis u ah in uu aad ugu xanuunsado COVID-19.
  • Waxaad iskugu iman kartaan gudaha dhisme hadii dadku yaryihiin talaalkana wada qaateen iyada oo aan maaskaro la xiran. Ka fogow goobaha dadka badani iskugu imaadaan.
  • Waxaad kula kulmi kartaa gudaha dhismaha dad aan talaalnayn oo hal qoys ah (Sida booqashada qaraabada hal meel ku wada nool) maaskaro la’aan.
    • Ha booqan dadka qatarta ugu jira in ay aad ugu xanuunsadaan COVID-19.
  • Waad kula kulmi kartaa dadka kale meel furan oo banaanka ah  adiga oo aan maaskaro xirnayn,  laakiin hadii dadku badan yihiin sida goobaha ciyaaraha, xafladaha, iyo goobaha ay adagtahay in aad 6 feet aad u jirsatid qofka kale, ama dadka aadan aqoonin, xiro maaskaro. Talooyinka aad raacaysid waxay ku xirantahay goobta aad joogtid sida ay tahay.

 

Xiro Maaskaro . Gacmaha dhaq.  6 feet ka fogow. Guriga jog hadii aad xanuunsantahay.

Minnesota Department of Health | health.mn.gov | 651-201-5000
625 Robert Street North PO Box 64975, St. Paul, MN 55164-0975

Contact health.communications@state.mn.us to request an alternate format.

 

Recent Posts

Leave a Comment