Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST May 17, 2021

 In Local Somali News

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST May 17, 2021

 

Xogta ay isniinta soo saartay Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH) waxay sheegtey inuusan wax dhimasho ah jirin oo ka timid cudurka caabuqa ee COVID-19.

Maaddaama aysan jirin wax dhimasho cusub ah, wadarta dhimashada ee gobolka ayaa weli ah 7,296 tan iyo markii uu billowday cudurkan faafa caabuqa ee COVID-19. Dhimashooyinkaas 4,390, ama 60% dhimashooyinkaas waxay la xiriiraan dadka da’da ah kuna nool guryaha daryeel muddo dheer ah ama goobo nololeed oo la caawiyay.

Maalinta ugu dambeysa  ee la soo sheegay wax dhimasha la’aan ah  waxay ahayd toddobaad kahor May 10. Waaxda caafimadka ee gobolka Minnesota MDH waxay  sheegtye in laga helay 589 qof oo cusub  cudurka COVID-19.

Bukaanada Isbitaallada  ayaa sii soconaya, iyadoo 423 qof oo ku nool guud ahaan Minnesota laga daweynayo COVID bukaan-jiif ahaan illaa Axadda. Dadkaas 108 ka mid ah waxaa lagu daweynayaa qeybta caafimadka deg deg ah ee ICU loo yaqaano.

Recent Posts

Leave a Comment