Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST May 21, 2021
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST May 21, 2021
Dadaal xoogan ayaa ka socda gobolka Minnesota oo ah in la tallaalo dadka degan gobolka si ay u helaan ka hortagga COVID-19, kana gudubto guul muhiim ah sida Gov. Walz iyo saraakiisha caafimaadka ay hal-abuur ugu qanciyaan kuwa diidan in la tallaalo.
Maalintii Khamiista waxaa la shaaciyey in maamulayaha la shaqeynayo kooxo isboorti oo xirfadlayaal maxalli ah si loo tallaalo taageerayaasha aan tallaallada horey u qaadan lana siiyo isagoo bilaash ah.
Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH) ayaa sheegtey manta in 100kiiba 62.7% ee dadka xaqa u leh ee degan da’da 16 iyo wixii ka sareeya ay qaateen hal qiyaas, 2,764,124 qof. Dashboard-ka ayaa sheegaya in 2,436,104 (55.2%) ay dhameystireen taxaddooda tallaalka COVID waxaana loo arkaa inay si buuxda u tallaalan yihiin.
Waaxda caafimadka ee gobolka MN MDH waxay diiwaangelisay 21 dhimasho oo dheeri ah oo ka timid COVID maanta, taasoo ka dhigaysa wadarta dhimashada Minnesota 7,354 tan iyo bilowgii cudurka COVID-19. Taasi waa tan ugu badan tan iyo Abriil 28, markii 22-maalin oo dhimasho ah la soo sheegay.
Dhimashooyinkaas 4,405 (60%) waxay ka yimaaden dadka lagu hayo guryaha daryeelka muddada-dheer lagu hayo ee dadka waayeelada ah.