Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST May 26, 2021

 In Local Somali News

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST May 26, 2021

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtey manta in 438 qof oo cusub oo ah laga helay cudurka caabuqa ee COVID-19 iyo iyadoo sidoo kalena 12 qof u dhinteen cudurka caabuqa COVID-19.

Sida laga soo xigtay saraakiisha, gobolka waxaay sheegen in sidii cudurka u bilowdey sanadkii hore ilaa hada dadka u uku dhacay ay dhan yihiin 599,909, sidoo kalena  7,393 oo dhimasho ah tan iyo bilowgii cudurka COVID-19. 12-ka qof ee dhowaan la soo sheegay ee dhimatay, lix ka mid ah ayaa deganaa xarumaha daryeelka muddada-dheer.

Bukaanada Isbitaalada ugu jira cudurka caabuqa  COVID-19 ayaa hoos u dhacaan, iyadoo 90 bukaan ah ay ku jiraanqeybta caafimadka deg deg ah ICU iyo 274 oo isbitaalka ku jira laakiin ma aha ICU.

Dhanka kale,waaxda caafimadka ee gobolku waxay hada bilowdey inay bixiso xogta dadka da’doodu tahay 12 iyo wixii ka weyn ee qaatay tallaalka COVID-19. Illaa iyo hadda, in ka badan 62,000 oo dadka deegaanka ah oo da’doodu tahay 12-15 ayaa qaatay ugu yaraan hal qiyaas oo tallaal ah, 107na way dhammaystireen taxanaha tallaalka. Qiyaastii 60,000 oo ka mid ah da’daas 16-17 ayaa sidoo kale helay ugu yaraan hal qiyaas, qiyaastii 43,000na si buuxda ayaa loo tallaalay

Waaxda caafimaadka MDH waxay sheegtey 64% reer Minnesota ee ka weyn da’da 16 inay leeyihiin uguyaraan qiyaasta ugu horeysa ee tallaalka COVID-19. In kabadan 5 milyan oo qiyaas tallaal ah ayaa laga qaatay gobolka Minnesota illaa iyo hadda.

Recent Posts

Leave a Comment