Warbixintii u Dambeysey ee COVID-19 11-8-21

 In Local Somali News

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST November 8, 2021

 

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH) ayaa soo warisay 4,253 xaaladood oo cusub oo COVID-19 Isniintii, iyadoo saameynta fayrasku weli laga dareemayo gobolka. Taasi waa wadarta guud ee hal maalin ee ugu sareysa tan iyo Disembar 12, 2020.

Tan iyo markii uu cudurku billowday, 819,239 xaaladood ayaa laga soo sheegay Minnesota.

MDH waxay kaloo sheegtay 34 dhimasho oo dheeri ah oo ka yimid COVID-19. Wadarta guud ee dhimashada ayaa hadda mareysa 8,862 tan iyo markii uu cudurku billowday. Dhimashadaas mid ka mid ah waxa ku lug lahaa qof da’doodu u dhaxayso 20 jir badhtamaha ilaa dabayaaqada ka yimi Degmada Isanti. Degmooyinka Dakota iyo Hennepin mid walba wuxuu diiwaangeliyay afar dhimasho oo COVID ah, halka Degmada Anoka ay sheegtay saddex.

Marka loo eego xogtii u dambaysay ee MDH ee la hayo, 990 qof ayaa lagu dawaynayaa COVID cusbitaallada gobolka oo dhan iyadoo 763 ay ku jiraan sariiro aan ICU ahayn iyo 227 ICU ah.

Wadarta guud ee isbitaalada la dhigey tan iyo imaatinka COVID waxay gaartey 42,154.

Recent Posts

Leave a Comment