Wararkii u dambeyeye ee cudurka caabuqa COVID-19 11-24-21

 In Local Somali News

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST November 24, 2021

 

Maalintii ka horreysay Thanksgiving, Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH) ayaa soo warisay 53 dhimasho oo cusub oo COVID-19 ah oo ka dhacay gobolka. Dhimashada cusub ee la soo sheegay, laba ka mid ah dhibbanayaashu waxay ahaayeen dad da’doodu u dhaxayso 35 iyo 39 ee Benton iyo Wright County.

Wadarta guud ee dhimashada ayaa hadda ah 9,282 gobolka tan iyo markii uu cudurka faafay. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in 4,901 dhimasho ah ay ka dhacday daryeelka muddada-dheer ama xarumaha la caawiyo. MDH ayaa sidoo kale sheegtay 3,759 xaaladood oo COVID cusub ah guud ahaan gobolka Arbacadii. Wadarta guud ee gobolka, oo ay ku jiraan dib-u-qaadista, ayaa hadda mareysa 891,099 xaaladood tan iyo bilowgii masiibada.

Marka loo eego xogtii u dambaysay ee MDH ee la hayo, cusbitaallada la seexiyay ayaa weli sarreeya iyadoo 1,420 qof lagu daweeyey COVID cisbitaallada gobolka. In ka badan kun qof ayaa ku jira sariiro aan ICU ahayn 326 bukaanna waxay ku jiraan ICU.

Recent Posts

Leave a Comment