Warbixintii u dambeysey ee cudurka Covid-19 12/30/21
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST December 30, 2021
Khamiista, Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa soo warisay 48 dhimasho oo cusub oo COVID-19 ah iyo 6,780 xaaladood oo cusub gobolka.
Dhimashada cusub ee la soo sheegay waxaa ka mid ah hal qof oo 20 jir ah oo ku sugan degmada Ramsey iyo laba qof oo 30 jir ah oo ku sugnaa Degmada Hennepin.
Wadarta guud ee dhimashada Minnesota waa 10,516 tan iyo markii uu cudurku bilaabmay.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in 5,153 dhimasho ah ay ka dhaceen daryeelka muddada-dheer ama xarumaha la caawiyo.
Marka loo eego xogtii u dambaysay ee MDH ee la hayo, 1,318 qof ayaa lagu dawaynayaa COVID cisbitaallada gobolka, iyadoo 1,010 ay ku jiraan sariiro aan ICU ahayn iyo 308 oo ICU ah.