Warbixintii u Dambeysey Covid-19 11/6/20
Warbixintii ugu dambeysey ee COVID-19 ee Gobolka MN: Kiisaska maalinlaha ee cudurka COVID-19 ayaa maalintii afaraad laba jibaarmey. Maanta oo Jimco ah Bishii November 6 ah, waxa laga helay cudurka Covid-19 5454 qof oo cusub. Waa maalintii afaraad oo cudurku uu said ugu faafayo bulshada degan gobolka Minnesota. Waaxda caafimadka ee Gobolka Minnesota ayaa sheegtey manta oo Jimco ah iney u dhinteen 36 qof cudurka COVID-19.
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 2:00 PM CST NOVEMBER 6,2020
Waaxda caafimadka ee Gobolka Minnesota Minnesota waxay sheegtey tiradii ugu badneyd ee COVID-19 kiisas in laga helay 5454 qof oo cusub, halka dhimashad manta oo jimco ah ahy aheed tii ugu badneyd oo malinla ah la soo shego 36 oo cusub iney u dhinten cudurka COVID-19.
Waaxda Caafimaadka ee Minnesota waxay sheegtey in Gobolka Minnesota uu hadda diiwaan geliyey 170,305 qof oo ku dhacay cudurka COVID-19 iyo 2,591 oo dhimasho ah sidii uu u bilowdey cudurka COVID-19. Maanta oo Jimco ah waxay waaxdu caafimadku shegtey in Gobolka Minnesota waxaa ka jira 31,117 qof oo la karantiiley, ama loo sheegay ineysan bulshada soo dhexgalin oo ay deganan uun ku ekaadan.