Covid-19 Update 11/11/2020

 In Local Somali News

Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Minnesota ayaa sheegtey manta oo Arbaco 11/11/20 iney cudurka koronafayriska u dhinteen 56 qof oo cusub. Warbixnta manta ee dhishada 56 qof ayaa ah tii ugu badneyd ee maalin kaliya dhacada sidii cudurka koronafayriska u bilowdey.

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST NOVEMBER 10,2020

56-ka qof ee dhimatay waxay u dhexeeyeen da’da 55 ilaa 100 sano jir. Labaatan ka mid ah dhimashooyinka cusub ee la soo sheegay iney daganayen magaalooyinka matanaha ah ee St.Paul iyo Minneapolis. halka inta kalena ay ku sugnaayeen gobolka Minnesota Bnanakisa.

Waaxda caafimaadka ayaa shegtey in laga helay 4,900 oo cusub oo ku dhacay cudurka koronaayriska Arbacadii — in ka badan 1,000 wax ka yar tiradii maalinlaha ahayd ee 5,924 kiis oo gobolku arkay maalintii  Axaddii. In ka yar laba toddobaad ka hor, waaxda caafimaadka ee gobolka waligood ma aysan soo sheegin wax ka badan 3,000 oo xaaladood hal maalin gudaheed.

1,299 qof ayaa la dhigey isbitaalada gobolka Minnesota iyagoo laga wada helay dhamantood cududrka koronafayriska. 282 ayaa ku jira qeybta caafimadka daryeelka deg deg ah ICU, sida ku cad xogta warbixinta ay soo sartey waaxda caafimadka MDH tirada waa seddex jibaar waxa ay aheyd bil ka hor 10-kii Oktoobar, markaas oo ay isbitaalka ku jireen oo keliya 443 qof oo qaba Koronfayriska. Tirada dadka hadda ku jira ICU waa labanlaabatey.

Recent Posts

Leave a Comment