Latest Update of COVID-19 – 11/12/2020
Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Minnesota ayaa sheegtey manta oo Khamiis ah 11/12/20 in laga helay cudurka koronafayriska dad gaaraye 7228 qof oo cusub. Dadka laga wada helay cudurka Koronafayraska ayaa ku kala noolaa 62 degmo. Waa maalintii ugu horeysey oo laga helo cudurka dad gaaraya 7228. Waaxda caafimadku waxay sheegtey 39 dhimasho cusub oo la soo sheegay Khamiistii, taas oo ka dhigaysa tirada dhimashada ee gobolka Minnesota 2,793. 39- dhintey, 23 ka mid ah ayaa ku jiray muddo-dheer meelaha lagu hayto dadka waayelada.
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST NOVEMBER 12,2020
Xogta ka soo baxdey Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH) waxay sheegtey barashada masaafada dheer ayaa hadda lagula taliyay 62 ka mid ah 87-da degmo ee Gobolka Minnesota, waaxda caafimadka Minnesota ayaa sidoo kale ku dhawaaqay 11 goobood oo cusub oo laga qaadayo ama lagu baarayo dadka qaba cudurka koronafayruska dhammaantoodna waxay furmayaan bishan.