Warbixintii Covid-19 -11/13/20

 In Local Somali News

Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Minnesota ayaa sheegtey manta oo Jimce  ah 11/13/20 in laga helay cudurka koronafayriska dad gaaraye 5552 qof oo cusub. Dadka laga wada helay cudurka Koronafayraska ayaa ku kala noolaa  degmooyinka gobolka Minnesota.  Waaxda caafimadku waxay sheegtey 46 dhimasho cusub oo la soo sheegay Jimcihii, taas oo ka dhigaysa tirada dhimashada ee gobolka Minnesota 2839.

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST NOVEMBER 13,2020

Waaxda Caafimaadka Jimcihii waxay soo warisay 5,552 kiis oo dhowaan la xaqiijiyay oo qaba cudurka coronafayriska.

Hay’adda Caafimadka waxay xaqiijisay dhimashada 46 ka badan oo cudurka ah, oo ah tii labaad ee ugu sarraysa abid ka dambaysa oo keliya diiwaanka Arbacada ee aheed 56 dhimasho. Saddexda maalmood ee ugu dhimashada badan Minnesota ee warbixinnada Koronafayriska ayaa yimid toddobaadkan. Celceliska toddobada maalmood waa ilaa 35 dhimasho maalintii ah, oo laba jeer ka badan sidii laba toddobaad ka hor.

Gobolka Minnesota wuxuu galay waqti aad u dhib badan hadda, waxaa sidaa yiri Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz ayaa u sheegay suxufiyiinta, isagoo xusay in ku dhowaad 250 dhimasho la soo tabiyay toddobaadkan, oo ay ku jiraan 21-sano jir aan qabin wax xanuun ah ama xaalado caafimaad

Wuxuu mar labaad ka codsaday bulshada dagan Gobolka Minnesota inay xirtaan sanka, afka, ay ku kala fogadaan meelaha dadku isugu yimaado, inay guriga joogaan haddii aadan caafimaad qabin. Waa waqtigii la is dhagaysan lahaa buu yiri Gudoomiyuhu si looga baxo dhibka aan hada ku jirno.

Gudoomiyaha Gobolka Minnesota wuxuu cadeeyay in inkasta oo ayna xidhnayn gebi ahaanba nolosha dhaqaalaha iyo nolosha bulshada ee gobolka, haddana xayiraad dheeraad ah ayaa laga yaabaa inay soo socoto. “Waxaan u maleynayaa in isbeddelo badan ay u badan tahay inay dhacaan.

In ka badan 1,400 oo qof ayaa hadda ku jira cisbitaalada Minnesota sababo la xiriira Koronafayris, iyadoo ku dhowaad 300 ay u baahan yihiin daryeel degdeg ah, sida lagu sheegay xogta Waaxda Caafimaadka.

Michael Osterholm, oo ah agaasimaha xarunta cilmi baarista ee cudurada faafa leh ee jaamacada Minnesota, ayaa ku booriyay Bulshada Minnesota inay kaalin ka qaataan sidii loo joojin lahaa faafitaanka cudurka dhowr bilood ee ka harsan ah  inta laga helayo talaal. Haddii aan sii wadi karno illaa iyo waqtigaas, waxay badbaadin kartaa dad badan… waxaan badbaadin karnaa dad badan, ”ayuu yiri Michael Osterholm.

Recent Posts

Leave a Comment