Wararkii U dambeyey ee Covid19 – 11/16/20
Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Minnesota ayaa sheegtey manta oo Isniin ah 11/16/20 in laga helay cudurka koronafayriska dad gaaraye 7444 qof oo cusub. Dadka laga wada helay cudurka Koronafayraska ayaa ku kala noolaa degmooyinka gobolka Minnesota. Waaxda caafimadku waxay sheegtey 12 dhimasho cusub oo la soo sheegay manta isniin ah, taas oo ka dhigaysa tirada dhimashada ee gobolka Minnesota 2917.
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio. Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST NOVEMBER 16,2020
Waaxda Caafimaadka ayaa Isniintii 11/16/20 ayaa sheegtey 7,444 kiis oo cusub oo la xaqiijiyay ama laga Helay cudurka Koronofayriska, tiro kale oo sareysa ka dib markii la diiwaan geliyay laba maalmood oo ka badan dhamaadka usbuuca in ka badan 16,000 qafood oo cusub. Laba iyo toban qof dhimasho ayaa lagu soo sheegayt manta oo ah Isniintii 11/16/20 tani waxay kor u qaadday tirada dhimashada ee Gobolka Minnesota ee 2,917. Qiyaastii boqolkiiba 69 waxay ku noolaayeen guryaha lagu hayo dadka waayelada ah muddo dheer; badankood waxay qabeen dhibaatooyin caafimaad oo hore.
Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz iyo saraakiisha caafimaadka ayaa bulshada dagan gobalka Minnesota ka codsaday inaysan isugu imaanin fasax Thanksgiving-ka banaanka gurigooda wuxuuna weydiisanayaan ardayda kuleejka inay dib uga fiirsadaan tagida guriga waalidkood. Wuxuu kaloo Gudoomiyhu sheegay inet dhicin doonto in la joojiyo ciyaaraha isboortiga dugsiga sare hadii u sii socdo faafida cudurka koronafayriska.
Gobolka Minnesota wuxuu galay waqti aad u dhib badan hadda, waxaa sidaa yiri Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz ayaa u sheegay suxufiyiinta, isagoo xusay in ku dhowaad 250 dhimasho la soo tabiyay toddobaadkan, oo ay ku jiraan 21-sano jir aan qabin wax xanuun ah ama xaalado caafimaad
Wuxuu mar labaad ka codsaday bulshada dagan Gobolka Minnesota inay xirtaan sanka, afka, ay ku kala fogadaan meelaha dadku isugu yimaado, inay guriga joogaan haddii aadan caafimaad qabin. Waa waqtigii la is dhagaysan lahaa buu yiri Gudoomiyuhu si looga baxo dhibka aan hada ku jirno.
Gudoomiyaha Gobolka Minnesota wuxuu cadeeyay in inkasta oo ayna xidhnayn gebi ahaanba nolosha dhaqaalaha iyo nolosha bulshada ee gobolka, haddana xayiraad dheeraad ah ayaa laga yaabaa inay soo socoto. “Waxaan u maleynayaa in isbeddelo badan ay u badan tahay inay dhacaan.
In ka badan 1,400 oo qof ayaa hadda ku jira cisbitaalada Minnesota sababo la xiriira Koronafayris, iyadoo ku dhowaad 300 ay u baahan yihiin daryeel degdeg ah, sida lagu sheegay xogta Waaxda Caafimaadka.