Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -11/20/20
Waaxda Caafimaadka Minnesota ayaa soo sheegtey 68 dhimasho ah oou dhintey cudurka Korona fayraska manta oo Jimco ah 11/20/20. Dadka laga helay cudurka manta oo Jimca ahna waa 6812 qof oo cusub.
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST NOVEMBER 20,2020
Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Minnesota ayaa sheegtey manta oo Jimca ah 11/20/20 in laga helay cudurka koronafayriska dad gaaraye 6812 qof oo cusub. Waaxda caafimadku waxay sheegtey 68 dhimasho cusub oo la soo sheegay manta khamiis ah, taas oo ka dhigaysa tirada dhimashada ee gobolka Minnesota 3150.
Dhimashada cusub, 44 ka mid ah waxay ahaayeen dadka degan guryaha lagu xanaaneeyo ama xarumaha caawinta, taas oo ka dhigan 69% oo ka mid ah 3,150 dhimashooyinka Minnesota ee ka yimid cudurka cusub ee coronavirus.
Isbitaalada Minnesota waxay daryeelayaan 1,784 COVID-19 bukaan, iyadoo 369 ka mid ah u baahan yihiin daryeel degdeg ah. Laga soo bilaabo Nov. 1, mugga bukaanka isbitaalka ayaa kordhay ku dhowaad 1,000 xaaladood oo dheeri ah oo ah COVID-19.
Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz iyo saraakiisha caafimaadka ayaa bulshada dagan gobalka Minnesota ka codsaday inaysan isugu imaanin fasax Thanksgiving-ka banaanka gurigooda wuxuuna weydiisanayaan ardayda kuleejka inay dib uga fiirsadaan tagida guriga waalidkood. Wuxuu kaloo Gudoomiyhu sheegay inet dhicin doonto in la joojiyo ciyaaraha isboortiga dugsiga sare hadii u sii socdo faafida cudurka koronafayriska.
Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz Wuxuu mar labaad ka codsaday bulshada dagan Gobolka Minnesota inay xirtaan sanka, afka, ay ku kala fogadaan meelaha dadku isugu yimaado, inay guriga joogaan haddii aadan caafimaad qabin. Waa waqtigii la is dhagaysan lahaa buu yiri Gudoomiyuhu si looga baxo dhibka aan hada ku jirno.
Gudoomiyaha Gobolka Minnesota wuxuu cadeeyay in inkasta oo ayna xidhnayn gebi ahaanba nolosha dhaqaalaha iyo nolosha bulshada ee gobolka, haddana xayiraad dheeraad ah ayaa laga yaabaa inay soo socoto. “Waxaan u maleynayaa in isbeddelo badan ay u badan tahay inay dhacaan.