Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -12/14/20
Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtey manta oo Isniin ah 12/14/2020 in ay u dhinteen cudurka koronfayraska 18 qof oo cusub. Waxaa sidoo kale laga helay cudurka koronafayriska dad gaaraya 3023 qof oo cusub.
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST DECEMBER 14,2020
Warbixintii manta ay siiyay galabnimadii Isniinta warbaahinta gobolaka Minnesota, Wakiilka Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH) Jan Malcolm waxay sheegtey inay dhiirigalin u noqotay in la arko tirada sariiraha isbitaalada la isticmaalo sababo la xiriira COVID oo hoos ugu sii dhacaya gobolka oo dhan. Waxay intaas ku dartay, si kastaba ha noqotee, in Minnesota aysan weli ka bixinin heerkii qatart aheyd ee cudurka Koronfayrisku ku fayeyey iyada oo xustey tirada guud ee dhimashada gobolka ee fayraska ay weli ad u sarreyso
Malcolm waxaa kale oo ay sheegtay inay wali jiraan faafida cudurka koronafayris, ayna muhiim u tahay reer Minnesota inay sii wadaan, iyo xitaa inay dardar geliyaan, heerka feejignanata ay ku jiraa iyadoo la racayo go aamadii gudoomiyaha gobolka sida wejiga, sanka la xirto, gacmaha la iska dhaqo iyo kala fogaanshaha bulshada
Sido kale waxaa warbaahinta la Hadley Agaasimaha Cudurada faafa ee Gobolka Minnesota MDH Kris Ehresmann oo shegtey in 46,800 unug oo talaal ah ayaa la filayaa inla helo gobolka oo dhan todobaadkan. Waxaa Talalka lagu bilaabi doona dadka waayelada Degan xarumaha daryeelka muddada-dheer iyo shaqaalaha daryeelka caafimaad ayaa noqon doona kuwa ugu horreeya ee laga tallaalo Minnesota, laga bilaabo usbuuca soo socda, shaqaalaha muhiimka ah iyo dadka waayeelka ah ayaa la filayaa inay ku jiraan kooxda labaad.
Ehresmann waxay kaloo tiri waxay qadan doonta dhowr bilood isku celcelis ahaan reer Minnesota la tallaali karo, laakiin tallaalladaan ugu horreeya ay yihiin tallaabo loo qaaday dhanka saxda ah
Waxay kaloo ku nuuxnuuxsatay, in kastoo, in tallaabooyinka yareynta ay wali u baahan yihiin in lagu dhaqmo, xitaa iyadoo dad badani ay is tallaalaan.
Waxaa kalay xustey inay muhiim in maskaxda lagu hayo xitaa inta aan u dabaaldegeyno imaatinka tallaalka, waxaan u baahanahay inaan sii wadno in afka iyo sanka la daboosho, kala fogaanshaha bulshada, oo aan ku sii wadno tallaabooyinkan yareynta
Mudnaanta koobaad waxaa la siin doonaa shaqaalaha daryeelka caafimaadka safka hore ku jira iyo dadka deggan guryaha waayelada lagu xannaaneeyo. Laba maxbuus oo kale oo reer Minnesota ah ayaa dhintay kadib markii laga helay COVID-19, sida ay sheegtay Waaxda Asluubta ee Minnesota.