Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -12/21/20

 In Local Somali News

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa sheegtey manta oo Isniin ah 12/21/2020 in ay u dhinteen cudurka koronfayraska 22 qof oo cusub. Waxaa sidoo kale laga helay cudurka koronafayriska dad gaaraya 1998 qof oo cusub.

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 5:00 PM CST DECEMBER 21,2020

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH) ayaa sheegtey in manta oo Isniin ah 12/21/20  in ay u dhinteen cudurka Koronafayriska  22 qof oo cusub, iyadoo sidoo kalena laga helay dad gaaraya 1998 qof oo cusub.

Isku darka dhamaan dadka u dhintey cudurka Koronafayriska ee Gobolka Minnesota ayaa gaaraya 4872 qof iyaduu inta qabta cudurkana aya gaarayeso 399,311. Warbixinta manta ay waaxda caafimadku bxisey ayaa Isniintii ugu horeysey oo cudurka dadka u uku dhacay ay ka yartahay 2000 oo qof.

Wakiilka Waaxda Caafimaadka ee Minnesota Jan Malcolm ayaa sheegtey manta warbixintii ay siineysey warbaahinta inuu hoos udhaca heerarka toddobada maalmood ee gobolka, taas oo hoos uga dhacday heerka halista sare 8.9%. Sidoo kale Maamulaha waaxda caafimadka ee Gobolka Malcolm waxay kaloo qirey saameynta wanaagsan ee talaabooyinka ka hortaga cudurka  ay ku yeesheen gaabiska faafitaanka, oo ay ku jiraan tilmaamahaas ee ku yaalay Thanksgiving.

Malcolm wuxuu la wadaagay tirakoobyada daraasad cusub oo lagu daabacay Joornaalka Ururka Dhakhaatiirta Mareykanka usbuucii hore. Waxay ogaatay in dadka Mareykanka ah ee da’doodu udhaxeyso 25 iyo 44, inta udhaxeysa Maarso ilaa dhamaadka Luulyo, ay jireen kudhowaad 12,000 dhimasho ka badan intii laga filaayay iyadoo lagu saleynayo caadooyinka taariikhiga ah. Malcolm wuxuu leeyahay isbeddelladaas waxay sii socdeen dayrta.

Daraasadu waxay sheegtey in lagu qiyaasey in kudhowaad 154,000 oo dhimasho ah lafilaayey kooxdaas da’da sanadka 2020, laakiin tiradaas ayaa ka badatey Nofeembar waxaana lafilayaa inay gaarto 170,000 oo dhimasho dhamaadka sanadka sababo la xiriira COVID-19

 

Recent Posts

Leave a Comment