COVID-19 updates – War bixin ku saabsan caabuqa Covid-19

 In Local Somali News

Waaxda caafimadka ee Gobolka Minnesota ayaa manta sheegtey iney u dhinten cudurka Koronfayriska dad gaaraya 22 maanta oo jimce ah. Dhamaan dadka u dhintey cudurka ayaa ahaa dad da ahaan ka weyn 60 sano, lix ka mid ahna waxay ku noolayaan xarumaha lagu hayo dad waayeelka ah.

Siduu u bilowdey cudurka Koronfayriska ilaa hada dhimashadhu waxay gaareysaa 6273 qof, halka dadka laga helayna ay dhan yihiin 466,224. Dadka laga helay cudurka Koronfayriska manta ayaa dhamaa 1054 qof.

Waaxda caafimadka ayaa sidoo kale shegtey inay filanayan in wiiga so socda aya helaan talaal cadadkiisu dhanyahay 83,825. Todobo kun oo ka mid ah talaalkaas waxaa loo qoondeyey dadka da doodu ka weyntahay 65 sano, iyadoo talaalkaasna laga qeybin doono labo meelood oo ku kala yaala magaaloyinka Minneapolis iyo Duluth. Waxaa sidoo kale loo qoondeyey 10,000 talaalka ah macaliminta iskuulka  iyo shaqaalaha ka shaqeeya meelaha caruurta lagu xanaaneyo.

Waxaa isbataalada ugu jira cudurka Koronfayriska 362 bukaan oo ku dhacay, sidoo kalena qeybta daryeelka deg deg ahna waxaa ku jira 82 qof oo ku dhacay cudurku.

Waaxda Caafimadka ayaa sidoo kale ayaa sidoo kale ka digtay in dadku ay iska ilaaliyaan inay hal meel kuwada kulmaan iyagoo daawanaya ciyaarta axada dhacaysa ee Super Bowl.

Agaasimaha waaxda cudurada faafa Kris Ehresmann ayaa tiri waxay u badan tahay inay tahay sanadkan mid aan ku habooneyn qabashada xaflad weyn oo Super Bowl ah.

 

Recent Posts

Leave a Comment