Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -March 1st-2021

 In Local Somali News

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 12 PM CST March 1st,2020

Waaxda caafimadka ee gobolka Minnesota ayaa shegtey manta iney heli doonan 45,000 qidmo oo ah talaalka cusub ee hada lasoo ogaaldey ee hayada Johnson & Johnson. Waxaa la filaanayaa qeybta ugu horeysa ee talaalka waxay bilaabaneysaa wiigan hada ku jirno, tani waxay suurtagalineysaa inay bulsho badan oo dagan gobolka iney qaatan oo ay u noqoto ka hortaga cudurka dilaaga ah ee Koronafayriska.

Warbixinta waaxda caafimadka ayaa sidoo kale lagu sheegay iney qaateen talaalka dad gaaraya 902,242 hal qidmad oo ah talaalka, iyadoo sidoo kalena aya dhameysteen labadii qidmadood 467,300, iyadoo taasi ka dhigeysa iney boqolkiiba lix iyo toban bulshada dagan gobolka Minnesota ay qaateen talaalka.

Sidoo kale waxaa laga helay cudurka Koronafayriska dad gaaraya 636 qof oo cusub, iyadoo sidoo kalena ay u dhinteen 3 qof, iyadoo taasi ay ka dhigeyso dadka u dhintey cudurka koronafayriska siduu u bilowdey 6486 qof.

Waxaa sidoo kale talaalka hadal aga qaadan karaa farmishiyaasha Walgreens iyo White Thrift, waxa kaloo jira saddex xarumood aa talaalka bixinaya oo qofku tagi karo, haduu uu 65 sano ka weyn yahay. Xarumuhu waxay ku kala yaalaan magaaloyinka Minneapolis, Duluth, iyo Rochester.

Hadii aad u baahantahay macluumad said ah, waxaad wacdaa numberkaan 651-201-3920 maalmaha isniinta ilaa jimcaha 7 subaxnimo ilaa 5 galabnimo, waxaana diyarsan tarjumano ku hadla af-soomaliga oo ku caawin kara.

Recent Posts

Leave a Comment